Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu rajaynayo sidii wadahadal loogu xalin lahaa danaha ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.
Waxa kaloo uu Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro tilmaamay in Somaliland iyo Soomaaliya ay kala wataan laba mawqif oo kala fog oo ay muhiim tahay in is afgarad lagu dhammaystiro.
“Arrimaha aynu kala wadano inaga iyo Soomaaliya maaha kuwo sir ah oo Soomaaliya ninkii yimaadaaba waxa uu wataa midnimada Soomaaliya, reer Somaliland-na afti bay ku gaadheen in ay u madaxbannaanaadaan qaranimaddooda, waxaanan rajeynayaa in Madaxweyne kasta oo yimaad uu ixtiraamo arrintaas, qorshaha Somaliland-na waa qaran madaxbannaan oo Somaliland la yidhaahdo oo beesha caalamku aqoonsan tahay, kana mid noqda beesha caalamka, taasina waa qorshaha Somaliland, waxaan rajeynayaa in la isku ixtiraamo rabbitaanka shacbiga reer Somaliland, waxaanan jecelahay in danaha Somaliland iyo Soomaaliya ay ku dhammeystaan wadahadal iyo is afgarad,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo waraysi siiyey telefiishanka HCTV.
Guddoomiyaha WADDANI, ayaa sidoo kale sheegay in aanay u muuqan wax cabsi ah oo Somaliland ka soo waajihi karta Madaxweynaha cusub ee loo doortay Soomaaliya, waxaannu yidhi; “Ma jirto cabsi gaar ah oo aniga ii muuqata oo laga qabi karaa ma jiro oo qofku qorshahiisa wuu caddeyn karaa, keyga, ka Xisbiga WADDANI iyo ka Somaliland-na waa madaxbannaanida iyo gooni isku taaga Somaliland, kiisana (Madaxweyne Farmaajo) isaga ayaa u madaxbannaan, Somaliland-na cid waxba kuma khasbi karto, laakiin danaha inaga dhexeeya waa laga wadahadli karaa oo wadahadal ayaa lagu dhammayn karaa.”
“Soomaaliya waa dal aynu deris nahay oo aynu walaalo nahay, markaa cidda ay dooranayaan shacabkoodu iyagaa xaq u leh, waxayna doorteen kii shacabku doonayey in ay doortaan, markaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waan hambalyeynayaa, marka labaadna waxa aan u rajeynayaa in Soomaaliya iyo Somaliland ay noqdaan laba dal oo deris ah oo danahoodana wadahadal iyo is-afgarad ku dhammeysta, waanan hambalyeynayaa Madaxweynaha cusub,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.