X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha WADDANI Oo Kulamo Diblomaasiyaddeed La Qaatay Afhayeenka Baarlamaanka Sweden Iyo Masuuliyiin Kale

Araweelo News Netwotk

Stockholm(ANN)Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo muddooyinkii dambe socdaal ku joogay dalalka Sweden iyo Finland, ayaa maanta kulamo la qaatay afhayeenka Baarlamaanka dalkaasi Sweden Mr.Tobias Billstrom iyo weliba sida oo kale Maayirka magaalada Stockholm Mr’s. Karin Wanngard iyo xoghayaha golahaasi.

Kulamadan oo ahaa kuwo gooni gooni ah, ayaa ugu horreyn guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo afhayeenka Baarlamaanka dalkaasi Sweden Mr. Tobias Billstrom, waxa ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan sii xoojinta xidhiidhka labada dal, isku xidhka baarlamaanada labada dal ee Somaliland iyo Sweden, doorashooyinka Somaliland, taabo-gelinta hanaanka dimuqraadiyadda iyo weliba is faham buuxa oo ay isla garteen siddii ay dawladda Sweden ay si toos ah uga la shaqeyn lahayd helidda Ictiraaf ay Somaliland ka hesho dalka Sweden iyo dalalka kale ee caalamka.

Ugu dambeyntiina, guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale uu iyagana kulan gooni ah uu la qaatay Maayirka magaalada Stockholm Mr’s Karin Wanngard iyo xoghayaha golahaasi, isaga oo kala hadlay arrimo ku saabsan xidhiidhka golaha deegaanka Stockholm iyo goleyaasha deegaanka Somaliland, isla mar ahaantaana ay iska ga kaashan lahaayeen horumarka iyo wada shaqeynta labada dal, gaar ahaana golaha deegaanka Stockholm ay ku dhiiradaan siddii ay taageero iyo adeegyo aqoon korodhsiyeed ba ay u gaadhsiin lahaayeen goleyaasha deegaanka Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post