X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha WADDANI Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Collaada Darar-weyne Madaxweynahana Usoo Jeediyay In Aanay Iskaga Khaldamin Isaga Iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo booqday dad ku dhaawacmay shaqaaqadii todobaadkan ka dhacday deegaanka Darar-weyne ee Ceel-afweyn oo la keenay Cusbitaalka Hargeysa, ayaa ka hadlay aragtidiisa dhibaatada collaada kusoo noq noqtay deegaankaa iyo wada hadal khadka Telefoonka ku dhexmaray Madaxweynaha markii arrintu dhacday.

Guddoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo warbaahinta la hadlay markii uu booqday dadka ku dhaawacmay dirirtaa, ayaa sheegay in mar labaad ay ku baaqayaan in la joojiyo collaada oo uu sheegay in ay soo noq noqotay, wuxuuna xukuumadda u tilmaamay masuuliyada ka saaran amniga iyo sidii loo so oaf-jari lahaa collaada, isagoo ku baaqay in la dhamaystiro heshiisyadii hore looga gaadhay xiisada collaadaa.

 

Guddoomiyaha WADDANI, wuxuu sheegay in ay gacan ka siinayaan Xukuumadda iyo cid walba oo ka shaqaynay sidii loo joojin lahaa collaada oo ay la shaqaynayaan, isla markaana soo dhowaynayaan cid walba oo doonaysa in lasoo af-jaro, balse sugida amaanka, so oaf-jarida collaada iyo fulinta heshiisyadii ay hore u gaadheen  ay tahay masuuliyad saaran xukuumadda Somaliland.

 

Warbaahinta, ayaa weydiisay Guddoomiyaha  WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro eedayn Madaxweynuhu usoo jeediyay iyo in ay ka wada hadleen markii ay xiisadu ka dhacday deegaankaa, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxan u malaynayaa malaha Madaxweynaha maydaan fahmine, malaa aniga ima eedayne, Taleefan ayuu iisoo diray, waana ku mahadsanyahay Madaxweynuhu, anigoo Boorama jooga, wuxuuna igu war geliyay in collaadi halkaa ka dhacday, wuuna ku madansanyahay inuu igu war geliyo, waxaanu aniga iyo Madaxweynuhu isla qaadanay in aan Baaq nabadeed ka jeediyo arrintaa, baaqiina saacad kadib ayaan Boorama ka jeediyay, waxaana u sheegay in xilku isaga (Madaxweynaha) saaranayahay, markaa Madaxweynaha waxaan usoo jeedinayaa in aanay iskaga qaldamin Wasiirkii arrimaha Guddaha iyo Cabdiraxmaan Ciro” ayuu yidhi. Guddoomiyaha WADDANI.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post