X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Sidii Wax U Dhaceen Saaka Kuna Baaqay Isu Soo Baxyo kale

Guddoomiyaha WADDANi oo taageerayaashiisa 18 Nov 2019


Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa ka hadlay wixii ka dhacay saaka xarunta xisbigooda oo ay xalay ciidamadu la wareegeen, kadib markii ay ku baaqeen isu soo bax, kaas oo ay xukuumaddu ku sheegtay mid aan sharci ahayn oo aanay aqbalayn.

Guddoomiyaha WADDANi oo warbaahinta la hadlay xafiiskiisa 18 Nov 2019


Saaka waaberigii ayay xarunta xisbiga isku haleeleen taageerayaal la socday Guddoomiyaha Xisbiga WADDANi, iyo saraakiil kale oo ka tirsan WADDANI, cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska oo ku sugnaa halkaa, waxaana muran iyo rabshado sababay dhaawac laba ka mid ah Ciidamada ay gudaha u galeen xarunta Xisbiga guddoomiyaha iyo saraakiisha la socotay.

Guddoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro iyo taageerayaashiisa 19 Nov 2019


Guddoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro oo sharaxaya wixii dhacay, ayaa warbaahinta la hadlay, isagoo yidhi, “Shaqaalihii masaxayay iyo kuwii xafiisyada joogayba waa laga dareeriyay saaka, balse waxaanu ku nimi si nabad ah xafiiska in kasta oo rasaas badan dhacday, shacbiga Somaliland waxaan u sheegayaa Xisbiga WADDANI, iyo xisbiyada kaleba waxa sharciga iyo dastuurku u fasaxayaa inay isugu yimaadaan xafiisyadooda iyo inay la hadlaan shacbiga.”

Guddoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro iyo taageerayaashiisa 19 Nov 2019


Guddoomiyaha WADDANI, wuxuu usoo jeediyay Booliska Somaliland in waajibkoodu yahay, inay ilaaliyaan shacbiga nabadgelyadiisa, isla markaana wuxuu xusay in aan loo baahnayn in taageerayaasha goobta WADDANI, yimi ay ka mid yihiin shacbiga ay nabadgelyadooda Boolisku masuulka ka yihiin.


“Booliska waxa waajib ku ah inay shacbiga Nabadgelyadooda ilaaliyaan, nabadana waanu kala shaqayn doonaa nabada, waxaan xaq u leenahay annagoo ah Xisbi siyaasi ah oo ajande siyaasi ah leh, oo nabadgelyada iyo horrumarka dalka ka shaqaynaya, waxaanu xaq u leenahay taageerayaashayada inaan gaadhsiino ahdaafta xisbiga ayaan xaq u leenahay oo u warano” ayuu yidhi, Guddoomiye Cirro.


Sidoo kale, wuxuu ka hadlay waxa u qorshaysan wixii ka danbeeya maanta, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Gobolada kale waxaan u sheegaynaa inay isugu yimaadaan xafiisyadooda, maaha maanta oo keliya berina waan imanaynaa, Digtaytarku ha dhaco” ayuu kusoo gunnaanaday Guddoomiyaha WADDANi, hadalkiisa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post