X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Isku Dhac Laba Dhinac Oo Ku Dhexmaray Deegaanka Buuhoodle

Araweelo News Network

Buuhoodle(ANN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay isku dhac laba dhinac oo ka mid ah dadka wada dega deegaanka Higlo ee Buuhoodle ku dhexmaray halkaa.

Guddoomiyaha WADDANI, isla markaana ah Guddoomiyaha iyo Murrashaxa Xisbigaa, wuxuu baaq nabadeed u diray labada dhinac ee isku dhacu ku dhexmaray deegaanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Xisbiga WADDANI, kaas oo u dhignaa sidan:-

“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magiciisa, kan xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo weliba kan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDNANI wuxuu ugu baaqayaa labada dhinac ee walaalaha ah ee dirirta colaadda ahi ku dhex martay deegaanka Higlo ee Buuhoodle in ay xaaladda cakiran ee dagaalka ah ku soo dabaalaan nabad iyo wada-noolaansho.

Waxaannu baaq u direynaa Xukuumadda Somaliland, Golaha Guurtida Somaliland, Madax-dhaqameedka, cuqaasha iyo 201-garadka guud ahaan reer Somaliland iyo gaar ahaan kuwa labada dhinacba inay colaaddan ka gurmadaan, isla markaana loo soo afjaro, lana soo celiyo wada-noolaanshaha iyo in sidii innoo dhaqanka ahayd xaaladda aynu ku soo dabbaalno wada-hadal iyo walaalnimo.

Ugu danbeyntii, xisbiga WADDANI wuxuu aad uga damqanayaa dadka walaalaha ah ee ku dhimanaya colaaddaas, wuxuuna mar labaad iyo mar saddexaadba ugu baaqayaa labada dhinac ee walaalaha ah ee wada dega geegaannadaas inay colaaddaas demiyaan.” Ayaa lagu yidhi Qoraalkaa oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post