X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha WADDANI Oo Boorama Kulan Kula Qaatay Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)

Kulan qado ah oo Boorama ay ku yeesheen Guddoomiye Cirro iyo Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali

Kulan qaddo ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa maanta magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro) iyo madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Kulanka casuumada qadada ah oo aan la sheegin cida soo abaabushay, ayaa lagu sheegay ujeedkiisu inuu ahaa mid is-xog-waraysi ah, kaasoo ka dhacay hotel Rays ee Boorama, waxaana sidoo kale ka qeyb-galay xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabyada dhallinyarada iyo haweenka iyo weliba sida oo kale siyaasiyiin, wax-garad, aqoon-yahan iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda gobalka Awdal.

Siyaasiyiin iyo madax-dhaqameedka kasoo jeeda gobalka Awdal oo ugu horeyn kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inay guddoomiye Cirro iyo weftigiisa kusoo dhawaynayaan magaalada Boorama, waxaana ay tibaaxeen sida ay diyaarka ugu yihiin in isbedel dhab ahi siddii uu uga qabsoomi lahaa guud ahaan dalka, iyaga oo carabka ku dhuftay inay diyaar u yihiin wixii taageero ah ee ay kula barbar istaagayaan xisbiga WADDANI.

Madaxweynahii xigeenkii hore ee Somaliland Muj. Cabdiraxmaan aw-Cali Faarax oo isna halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa soo dhaweeyey weftiga uu hoggaaminaayo guddoomiye Cirro, isaga oo ku dheeraaday xidhiidhka ay lee yihiin isaga iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI, waxaana uu tilmaamay in guddoomiye Cirro uu yahay hoggaamiyeyaasha ugu mudan ee ay rajo ka qabbaan in uu qaranka hoggaamiyo, isaga oo ku ammaanay in uu yahay in dhowrsoon oo siyaasaddiisa ay ku ladhan tahay degganaasho iyo lexlo-jeclo badan oo uu qaranka ka leeyahay.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxad-weyn u tahay in maanta ay kulan qado wada qaataan madaxweynahii hore ee Somaliland Muj. Cabdiraxmaan aw-Cali Faarax, isaga oo sheegay in kulankani ku ee kaa is-xogwaraysi ku saabsan siddii looggu wada diyaar garoobi lahaa wacyi-gelinta diiwaan-gelinta Somaliland, isla mar ahaantaana ay u wada diyaar garoobayaan siddii loogga shaqeyn lahaa wacyi-gelinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post