X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Ciro Iyo Wefdi Uu Hoggaaminayo Oo Safar Ugu Baxay Dalka Ethiopia

Araweelo News Network

 

 

Hargeysa(ANN)-Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed .Cabdillaahi (Cirro) iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta socdaal ugu baxay dalka Ethiopia, ka dib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisal wasaaraha dalkaa.  Mr.Hailemariam Desalegn.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xisbiga WADDANI, waxa Socdaalkaa ku weheliyay Murashax Cirro,  hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, Pro.Maxamed Alla-bari oo  ka tirsan hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI, xoghayaha arrimaha dibadda Xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Cismaan Fadal iyo sida oo kale madaxa hawl-wadeenada shaqaalaha Baashe Yuusuf.

Guddoomiyaha WADDANI! Isla markaana ah murrashaxa xisbigaa ee Doorashada Madaxtooyada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Ciro) iyo wefdigiisa , ayaa  sida warka lagu sheegay Socdaalkoodu qaadanayaa  muddo dhowr maalmood ah, waxaana la filayaa in halkaas ay kulamo khaasa kula yeeshaan ra’iisal  wasaaraha dalka Ethiopia  Mr. Mr.Hailemariam Desalegn iyo madax ka tirsan dawladdiisa, kuwaas oo ay ka wada hadli doonaan arrimo  khuseeya dhinacyada Somaliland iyo Ethiopia iyo weliba ammuuro khuseeya  doorashooyinka Somaliland.

Dhinaca kale socdaalka dhanka Ethiopia ee Murrashaxa WADDANI Iyo xubnaha la socda ee galanta u anbabaxay Xarunta dalka Ethiopia ee Addis-ababa, ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay dalka Ethiopia shalay safar ugu baxeen Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi iyo wefdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo maanta kulan la yeeshay ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia, Isla markaana galabta kusoo laabtay dalka.kadib markii ay soo dhamaysteen ujeedada safarkoodii Ethiopia.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post