X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha UCUD, Eng. Faysal Oo 28 Sannadood Kadib Aqoonsi La’aanta Somaliland Ku Tilmaamay Mid Gudaha Ka Timi

Faysal Cali Waraabe, image file Araweelo News Network, 20 May 2019

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay mar uu ka hadlayey 28 sannadood ka dib halka ay Somaliland taagan tahay iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay dhinacyada siyaasada iyo nolosha, waxaanu sheegay in Ictiraaf la’aanta Somaliland la 28-jirsatay 2019-ka ahayn mid dibedda ka haysata ee dhibtu gudaha tahay.

Somaliland oo marxalado kala duwan soo martay, ayaa 28 sanno kadib aan wali helin wax aqoonsi ah, isla markaana Axaddii shalay ee 18-ka May u dabbaal-degtay 28-guurada ka soo wareegtay markii ay ku dhawaaqday 18 May 1991-kii gooni-isu-taagga iyo inay ka madax-bannaantay dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray ay la midawday 1960-kii markii ay xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriisa. Somaliland waxyaabaha lagu ammaano waxaa ka mid ah nabadgalyada iyo hannaanka dimuquraaddiyadda ee Xisbiyada baddan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe oo muddadii ay Somaliland jirtay ka mid ahaa dadka aan siyaasadda ka bixin oo BBC-da waraysi siiyey, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin siyaasadda gudaha iyo mustaqbalka Somaliland.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey xuska 18-ka May, ayaa sheegay sida ay BBC-da oo aan warkan ka soo xigannay tebisay, in ay tahay maalin qiimo wayn u leh Somaliland marka la eego marxaladihii uu dalku soo maray. “Maanta waa maalmaha uu qiirada badan, waad ogtahay dhibaatadii ka dhacday dalka, magaalo qudha oo dhisnayd majirto, marka in maalintaas la xuso way mudnayd”.

Injineer Faysal oo ka hadlay marxaladii ay soo martay Somaliland ayaa sheegay in aanu filayn in arrinta aqoonsigu ay muddo intaas le’eg qaadanayso. “Hadda kahor waxaan BBC-da barnaamijka “Waxay ila tahay” ka sheegay oo aan oran jiray, markii ay laba sano jirtay Somaliland, hadaad sanadka maanta ah joogtaan ictiraaf waad helaysaane adkaysta”.

Faysal Cali Waraabe ayaa ka warramay halka uu u tirinayo in dhaliishu ay ka jirto iyo waxa loo baahan yahay in la sameeyo si riyada aqoonsiga looga guul gaaro, waxa uu eedda dusha uga tuuray siyaasiyiinta oo uu sheegay in aanay lahayn himilo dheer oo waqtigii ay ku lumiyeen khilaaf iyo isqabqabsi.

Jabhaddii SNM ayuu ku dhaliilay in markii ay gobbolada Waqoooyi qabsatay aanay si wanaagsan u maamulin ayna jirtay habacsanaan dhanka awoodda ah. Faysal Cali Waraabe ayaa yidhi: “Waxa la inoo ictiraafi waayey maahan wax dibadda inooga yimid waa wax gudaheenna ah, Markii jabhadi waddan qabsato, waa in ay waddankaas gacanta ku dhigto, oo ay hay’adaha dalka dhisto oo markay dhowr iyo toban sano joogto hadhow Dimuquraadiyad loo baddalaa”.

“Waxaa nasiib darro noqtay in SNM markii ay dalka qabsatay ay soo baxday habacsanaan dhanka xukunka ah, marka dhallinyadii ay daryeel waayeenna khayraadkii yaraa ee dawladdii ay ka dagtay, ayaga dhexdoodii ayaa isku dilay, markii lagasoo kabtayna siyaasad loo dhan yahay ma aanay samayn” ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlay mustaqbalka da’yarta Somaliland oo intooda badan dhashay 28-kii sano ee ay Somaliland jirtay ayuu sheegay in aayahoodu uu ku xiran yahay cidda hadba hoggaanka haysa.

Waxa uu intaas ku daray in dhalinyaradu ay u baahan yihiin dhiirri galin iyo cid jihaysa balse aanu wali arag cid dadweynaha rajo fiican tusta. Waxa uu sheegay in aanay jirin siyaasad meel mar ah oo ay leedahay Somaliland, isagoo sheegay in waqtigiiba uga dhammaaday is qabqabsi iyo dhaliil joogta ah.

Injineer Faysal Cali Waraabe oo kamid ah haldoorka Somaliland ayaa inta badan xukuumadda ku dhaliila in ay ka gaabisay waxyaabo badan oo ahayd in la qabto oo aqoonsigu uu kamid yahay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post