X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha UCID Oo Sheegay In Xsbigiisu U Taagan Yahay Ilaalnta Qaranimada Fariimona U Diray Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in ainu wax sharci ah waqtigan ka shaqayn dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo iftiimiyey inuu sharciga iyo caddaaladda ku soo celin doono Somaliland, haddii uu ku guulaysto doorashada madaxtooyada ee u muddaysan 13 November 2017, haddii Ilaahay yidhaah.
Eng. Faysal Cali-waraabe oo hadal ka jeediyey xaflad soo dhaweyn ah oo degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID Mr. Ismaaciil Cabdi Daahir, waxa uu tilmaamay waxyaabaha xisbigoodu ka haqab-tiri doono bulshada haddii la doorto.
“Waxa aannu burburinaynaa qabyaaladda oo waxa aannu dhisaynaa qoomiyadda, waxaanan dadkeena ka haqab-tiraynaa caafimaadka, waxbarashada, biyaha, shaqada…Waxaanan dhisaynaa ummad siman oo caddaalad ku siman, biyaha iyo sharcigana u siman, kuna shaqaysa sharciga. Waynu ka tagnay sharciga haddii aynu nahay reer Somaliland, maantana sharci ma shaqeeyo,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
Waxa kaloo uu caddeeyey in haddii uu ku guulaysto doorashada uu ku dedaali doono in wax la baro dumarka, isla markaana ay dhaqaale kab ah siin doonaan qoyska dugsiga waxbarashada geeya wax ka badan saddex hablood, isagoo sidoo kale ballanqaaday inay daryeeli doonaan halgamayaashii SNM, una dhisi doonaan guryo ay ku noolaadaan.
“Haddii ay maanta inaga murgacato oo doorashadaas soo socotaa ay gacan xun gasho khatar ayeynu ku jirnaa, qabyaalad waxba laguma wadi karo, tolaayeey waxba laguma wadi karo, haddii aannu nahay xisbiga UCID wax aynu nahay raadaarka ilaaliya Somaliland, ninkasta oo soo dhuumanaya raadaarkayga ayaa qabta gudaha ha noqdo amma dibadda ha noqdeen. Annigu dawladda ma taageero oo WADDANI ayaa ku jira oo dawladda ka mid ah, annigu qaranka ayaan taageeraa, kala saara taageerada qaranka iyo taageerada dawladda, maantana dawladdani iyadii ayaaba iska tabcaan ah oo wax lagu mucaaridaaba ma jirto, waxaanan doonaynaa in aan si yar oo nabadgelyo ah u saarno (talada uga qaadno) KULMIYE iyo Madaxweynahaba, kornaylkana (Muuse Biixi) waxa aannu leenahay maalintii Kornaylka maahee, shaqadaadii SNM-tana waad dhammaysataye iska naso ayaanu leenahay. Cabdiraxmaan-na (murrashaxa WADDANI) waxa aannu leenahay cago-baruur ayaad tahaye iska joog, maantana waa maalinteennii (waqtigii UCID xilka qabanayey), waana badbaadada qaranka Somaliland, dawlad tayo iyo haybad leh ayaanan dhisaynaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga UCID, ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabihii ku kalifay inuu galo siyaasadda, waxaannu yidhi; “Annigu waxa aan siyaasadda u galay, waxa ahayd waxa aan ku garaadsaday Soomaaliya oo aynu ka ilbaxsanahay, kana aqoon badanahay, maalintii aynu darsanay (1 July 1960) waxa aynu lahayn shan dugsi (schools) oo farsamada gacanta ah, oo waxa aynu lahayn aqoontii kii macallimiinta, tii karaaniyiinta (clerks) ayeynu lahayn, tii kalkaalisooyinka caafimaadka, oo waxa aynu lahayn shan waaxood ii xirfadlayaasha ah oo aynaan maanta midna lahayn, iyaguna (Soomaaliya) mid qudha may lahayn oo ilaa dugsi sare may lahayn. Waxa markii dambe la dhisay laba dugsi oo kuwa sare ah (high schools), mid waxa uu ahaa Lafoole, midna waxa uu ahaa Bannaadir, imtixaan ayaana la qaaday, kadibna 90% waxa ay noqdeen reer Woqooyi (Somaliland) oo soo baxay.”

Waxaannu intaas ku daray; “Maanta way inaga tacliin badan yihiin, way inaga dhaqaale badan yihiin, way inaga ilbaxsan yihiin. Waxa hoos inoo dhigay ee ina dhaafiyey waa awoodii dawladnimo. 25-ka sanno ee aynu joognay dawlad haggaagsan maynu yeelan, waxaynan ahayn dawlad-uyaal (semi-government).
“Raggii ku jiray siyaasadda ilaa sannadkii 1993-kii ee marna wasiir u ahaa UDUB, marna KULMIYE u ahaa, haddana galay axsaabta kale, waxa aannu doonaynaa in aannu Parking-garayno (shaqada ka fadhiisino), waxaannu soo saaraynaa dhallinyaro aqoon leh oo markii aan fikiray ee aan is weydiiyey maxaa Somaliland dib u dhigay, waxa aan ogaaday in wuxuba tahay aqoonta oo ay aqoontii inaga tagtay, markaa aqoontii ayaan soo celinaynaa, waxaanan keenaynaa aqoonyahan dhallinyaro ah oo aan caaqil iyo suldaan midna magansanayn oo magansanaya aqoontiisa oo qudha, waxaanan keenaynaa dad aqoon leh oo laga bilaabo Agaasimaha ilaa Wasiirka oo qof walba meeshiisii garanayo, haddii Ilaahay yidhaah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post