X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha UCID, Oo Sheegay In Madaxweyne Biixi Dhegaha Ka Furaystay Ergadooda Kadibna Iska Wareejiyeen Hawshaa

Guddomiyaha Xisbiga Mucaardka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, By Araweelo News Network 23 Nov 2019.


Hargeysa(ANN)- Guddomiyaha Xisbiga Mucaardka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka dayriyay in hawshii ay ku jireen ee dhexdhexaadinta khilaafka ka dhashay Komishanka Doorashooyinka ay dhanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland la socon waayeen.


Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, oo maanta la hadlay warbaainta isagoo ku sugan Magaalada Hargeysa, wuxuu sheegay in hawshaa markii uu ayidi waayay Madaxweynuhu ay ku wareejiyeen Ganacsato iyo Culimada dalka qaarkeed, wuxuuna xusay walaw aanu rajo fiican ka qabin inuu Madaxweyne Muuse yeelayo, balse uu doorkan wax aqbali doono.


“Waxaan idiinku bushaaraynaa wada hadaladii ku saabsanaa Komishanka ee aan ka Odayaynaynay may dhammaan Madaxweynuna Ergadii muu ayidin, waxaan ku wareejinay dadkii asadka ugu badan lahaa iyo culimaadii dalka, anigoo aan rajaweyn ka qabin inuu Madaxweyne Muuse uu wax yeeli doono inuu doorkan insha Allaah wax yeeli doono.” ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal.


Gudoomiyaha UCID, wuxuu sheegay in Komishanka iyo Kursiga Madaxweyne Muuse Biixi isku xidhan yihiin, wuxuuna ku hanjabay in haddii doorasho dhiciweydo tallo laga gaadhayo hoggaanka Somaliland, “Maanta Wasaarad shaqaysaa dalka ma jirto, Madaxweyne Muuse, wuxuu dalkii kad dhigay dukaan uu lahaa oo xaqdaro kaga maqnaa 26 sannadood oo uu soo ceshaday, oo leeyahay annaa leh, taasna maaha wax suurta gelaysa oo shacbiga Somaliland yeelayo.” ayuu yidhi.


Wuxuu sheegay in maanta shacbigii ay niyad jabeen oo Bulshadii kala tagtay, isla markaana labadii arrimood ee Somaliland ku faani jirtay Nabada iyo Doorashada labadiiba meesha ka baxeen, isagoo yidhi, “Nabadgelyadii khal-khal ayay ku jirtaa oo waydinkaa arka Jabhadaa samaysmay, doorashona hadalkeeda iyo haabkeeda Madaxweyne Muuse maskaxdiisa kuma jirto, hay’addii dawliga ahaa ma shaqaynayaan, Guurti ma jirto, dawladda hoose ma jiraan, waydinkaa arka magaalooyinkii, Madaxweynihii wax hagaajin lahaa waa Mujaahid, dhawr xabadood ayaa ku dhacay, waxa tallo kaga soo hadhay Madax-adayg, tallo kale oo uu ummad u hayaa ma jirto.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal.


Sidoo kale, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in muddo laba sannaood ah uu la shaqaynayay Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana uu gaadhay heer uu madaxa ka dhunkado, balse wuxuu guddoomiye Faysal sheegay in aanu intaa ka baddan u dulqaadanaynoo aanay aqblayn doorasho la’aan iyo wuxuu ku tilmaamay digtaytarnimo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post