X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha UCID Oo Sheegay in la Wado Qorshe Laba Dal Lagaga Dhigayo Somaliland iyo Soomaaliya

Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa shaaciyey in lagu hawlanyahay qorshe xal oo laba dal oo kala madaxbannaan oo jaar ah ay ku noqon doonaan Somaliland iyo Soomaaliya sannadaha soo socda.
Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay in Somaliland noqon doonto dal hela aqoonsi buuxa sannadka 2019, kaas oo ay horseedi doonaan mashaariicda maalgalinta ku kacaya malaayiinka dollar ee ay soo jiidanayso Somaliland, kadibna uu abuuri doono jawi dhaqaale fiican oo degan ah iyo horumar bulsheed.
“Dhab ahaan Somaliland waxay noqon doontaa dal madaxbannaan ugu dambayn sanandka 2019, xilligan waxaannu ka shaqaynaynaa sidii loo samayn lahaa xal labada dal ah, kaas oo jidka noo xaadhi doona in aannu ka dhabayno ujeeddada aqoonsiga Somaliland,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe oo Hargeysa ugu warramay shabakadda ka faaloota arrimaha Bariga Afrika ee magaciisu yahay Alleastafrica toddobaadkan oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay.
Waxa kaloo uu Faysal Cali-waraabe sheegay in aanay Soomaaliya waqtigan horjoogsan karin in Somaliland noqoto qaran madaxbannaan marka la gaadho sannadka 2019-ka, balse taa beddelkeeda xalka laba waddan oo jaar ahi uu yahay mid keenaya inuu dal kasta ka caawiyo sidii uu uga gudbi lahaa caqabadaha horyaala, waxaannu yidhi, “Ma laha awood ay ku horjoogsadaan dariiqaan ku soconno.”
Guddoomiyaha UCID, isla markaana ah murrashax mar kale doorashada Madaxweynaha ugu ordaya xisbigiisa, waxa uu ballanqaaday inuu samayn doono hannaan cusub oo dublamaasiyad iyo siyaasad ay horumarka ku gaadho Somaliland.
“Waxaan samayn doonaa qorshe istiraatijiyadeed ah oo beddela dariiqa ay ku socoto Somaliland, kaas oo ku salaysan danta dadkayaga, isla markaana naga caawiya in aannu si degdeg ah uga midho-dhalino dadaallada socda ee ah ictiraaf aannu ka helno beesha caalamka,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Dhinaca kale, Faysal Cali-waraabe waxa uu waraysigan lala yeeshay ee Jamhuuriya soo xigtay kaga hadlay dib-u-dhaca doorashada Madaxtooyada ee la doonayo in muddo lix bilood ah laga dib looga riixo waqtigeedii hore ee bisha March 2017 iyo qorshayaasha maalgashiga dalka ee ay ka mid yihiin casriyeynta dekedda Berbera iyo saldhigga Millatariga ee Imaaraadku doonayo inuu ka samaysto Berbera, isagoo arrimahaasi si buuxda u wada taageeray.
“Heshiiska dekedda Berbera ee lala galay Imaaraadka Carabtu wuxuu ahaa ka ugu wanaagsan ee ka taageeri kara Somaliland in la soo celiyo kaabayaasha dhaqaale iyo in laga baxo faqriga,” ayuu hadalkiisa raaciyey Eng. Faysal Cali-waraabe, isagoo xusay inuu si buuxda u taageersan yahay heshiis laga gaadho saldhig millatari oo Imaaraadka Carabtu ka samaysto magaalada Berbera.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post