Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo murrashaxa jagada madaxweynenimo ee xisbigaas Md. Jamaal Cali Xuseen, ayaa hadalo kulul isku mariyey hawada, iyadoo khilaaf culus oo la xidhiidha arrimaha xisbigu u dhexeeyo labadaas masuul.
Guddoomiye Faysal Cali-waraabe oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay in aannu Jamaal Cali Xuseen waqtigan ahayn murrashaxa jagada madaxweynenimo ee xisbiga UCID, balse arrintaasi tahay mid u taal Golaha Dhexe ee xisbiga oo lagu dhex tartami doono.
Hasayeeshee, Jamaal Cali Xuseen, ayaa dhankiisa saxaafadda u sheegay inuu khilaafka UCID u gudbin doono maxkamadda ku shaqada leh si looga garnaqo, waxaannu yidhi; “Arrinta khilaafka xisbiga UCID waxaannu la tagi doona dhinca sharciga, haddii uu  sharcigu noo shaqeyn waayana  waxay nagu kalifeysaa wixii rag sameyn jiray in aannu sameyno. Qofka bani’aadamka ah haddii la dhibo oo gar-darro loola tago waxbuu iska celinayaa.
Markaas Faysaloow, adiga iyo kuwa dabada kaa soo riixaya ee Muuse Biixi iyo  Maxamed Aw Siciidna waannu iska celin doonaa, adiguna guddoomiye noo noqo meysid, Faysal Cali Waraabana wixii rag iska yeeli jiray ayaanu iska yeeli doonaa.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo la hadlay warbaahinta shalay, ayaa sheegay in aannu Jamaal Cali Xuseen ahayn murrashax madaxweyne, isla markaana lagu dhex tartami doono xisbiga UCID.
“Jamaal Cali Xussen ma aha murrashax, yaa idinku yidhi waa murrashax? maalintii aannu murrashaxa ka dhignay xisbiba maanu aheyn  haddii uu murrashax noqdana xisbiga ayuu ka soo bixi doonaa oo waa arrin u taal xisbiga, laakiin maaha in la caytamo oo xisbiga laga dhigo…meeshuna waa xisbi oo wax gaar ah ka dhexeeya Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal maaha, annagu waxba iskuma hayno, meeshuna waa xisbi oo Gole dhexe ayaa jira, guddida fulinta ayaa jira, waanna arrimo xisbi,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Waxaannu intaas ku daray; “Annagu xisbi ahaan arrintaas (eedaymo Jamaal u jeediyey Muuse Biixi iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid) kulama socono, lamana qabno, xisbiga UCID-na maaha meel laga caytamo, qofka doonaya inuu caytamo waa inuu ku caytamo afkiisa, laakiin maaha inuu magaca UCID qaato, arrintaasna shalay (maalintii Sabtida) oo aannu fadhiisanay ayaannu raaligelin kaga bixinay, imminkana waan idiin sheegayaaye arrintaasi maaha siyaasad xisbigu la qabo.”
Guddoomiyaha UCID, ayaa sidoo kale sheegay in xidhiidh wadashaqayneed ka dhexeeyo xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE, waxaannu yidhi; “Xisbiga KULMIYE iyo xukuumada dan baa naga dhaxeysa, iminkana shir baabaannu wada galeynaa, markaas dano guud iyo mid gaar baa naga dhexeeya ee ma ceebaa taasi.”