X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha UCID Oo Ka Hadlay Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Ee Iska Casilay Xsibigiisa

Burco(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka jawaabay is casilaada Musharaxii xisbigiisa ee Madaxweyne ku xigeenka Cabdirashiid Cali Mataan, wuxuuna sheegay in xisbigu galayo dib u qiimayn dhinaca musharaxiinta ah, islamarkaana la eegi doono cidda xisbiga soo saari karta “Xisbiga waa la qiimaynayaa, waa la is dul taagayaa, yaa soo saari kara, yaa musharax xigeenka ku soo bixi kara ee xisbiga soo saari kara, hawshaas ayaa la galayaa, markaa waxaanu malaynayaa in Cabdirashiid ka baaqday in lala tartami doono ama la caqabadayn doono oo aanu xisbiga taageero iyo dhaqaale midna aanu keenayn,” ayuu yidhi Egn Faysal.

Guddoomiyaha Ucid oo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer wuxuu diiday eedaha musharax xigeenkii xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan ee iska casilay, wuxuuna sheegay inay la socdaan heshiisyo musharax ku xigeen Cabdirashiid la galay xisbiyada kale, isagoo yidhi, “ Waxba kama jiraan arrinta ah in khilaaf jiro, wuxuun buu ka cararay Cabdirashiid waar waa la is qiimaynayaa, arrintii way is bedeshay, xisbigu siduu u soo bixi lahaa ayaa dib loo eegayaa, markaa wax kale oo dhibaato ah oo na dhex taalaa ma jirto,”

Guddoomiye Faysal oo iftiiminaya qorshaha Xisbiga, wuxuu yidhi, “ Qof walba waa la qiimaynayaa, xataa aniga ayaa la I qiimaynayaa markay shir weynaha gaadho bal inaan sii wadi karo iyo in la I bedelayo, qof kasta waa la qiimaynayaa waxani “wax Kitaab ku qoran oo Qur’aan ah maaha, Facebook iyo Chating Siyaasi laguma noqdo,” markaa waa in la eegaa, waar yaa wadanka wadi karaya, waar yaa umadda isku hayn karaya, waar yaa Somaliland iibin karaya, waa sidaas uune musharax ma ahana ma odhan,xumaan aan u hayaana ma jirto,” ayuu yidhi Eng Faysal.

Dhawaaqyada Is casilaada Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka UCID, ayaa kusoo beegmay, iyadoo maalmihii u danbeeyay ay soo baxayeen warar sheegayay in Isbahaysiga siyaasiyiinta ka cadhooday doorashadii Xsibiga KULMIYE, kusii dhowaanayaan dhinaca Xisbiga UCID, iyadoo ay jireen warar sheegayay in uu socdo xidhiidh hoose oo u socda kooxdaa iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID, isla markaana la filayo inuu heshiis dhexmaro.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post