Araweelo News Network
faysal UCID
Hargeysa (ANN)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isbarbardhigay cudur uu sheegay inay ka siman yihiin madaxda Afrikaanku oo ah xukun jacaylka.
Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay in ay Somaliland caado ka dhigatay muddo-kordhin xil-haynta loogu kordhiyo hay’adaha Qaranka ee fulinta iyo golayaasha Baarlamanka ee Guurtida iyo Wakiillada, halka madaxda Afrikaanka ee jecel inay xukunka sii hayaan ay wax-ka-beddel ku sameeyaan dastuurka u yaal dalalkooda.
Guddoomiye Faysal oo hadal ka jeediyey shir ay dallada SONSAF ku qabatay Hargeysa oo lagaga hadlayey doorashooyinka Somaliland, waxa sheegay in aanay dadka reer Somaliland wax ka aqoon nidaamka dimuraadiyadda axsaabta badan, maadaama boqolkiiba 90% yihiin reer guuraa aan aqoon lahayn oo hadda ay ugu horreyso magaalo, isla markaana ay habboonayd in samaynta xisbiyada laga horreysiiyo dhismaha hay’ado dawladeed adag oo dadku aqoon u yeeshaan.
“Dhibaatada u wayn ee ina haysataa waxa weeye hay’ado dawladeed oo aan awood lahayn oo ah wax innagu abuuran ummad ahaanba, waxa kaloo innoogu wacan dastuurkeenna oo aan kala caddayn oo tusaale ahaan qodobka madaxweyne kastaa isticmaalo ee koradhsiimada ah haddaad si fiican u akhridid isaga laftiisu waa Margi oo nin waliba sida uu jecelyahay ayuu u wareejiyaa, sidoo kale waxa iyaduna ina dishay nidaamkii casriga ahaa iyo habkii dhaqankeenna oo aynu isku darnay oo aynu hore ugu faani jirnay oo weliba lagu dhigto jaamacadaha sidaynu u midaynay, laakiin hadda Guurtidii cudur bay innagu noqotay, waayo waxaynu u dhiibnay taladeenii oo aynu nidhi waa aqalka u sarreeya dad aan waxna qorin, waxna akhriyin oo aan garanayn in doorashooyinka la inala leeyahay oo beesha caalamku inna caawiso,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Waxa kaloo uu xusay in isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo markii ay mucaaradka ahaayeen ay ku heshiiyeen kolba koodii xilka qabtaa uu soo dedejiyo doorashada aqalka Guurtida, balse taasi aanay dhicin ee markiiba ay heshiiyeen xukuumadda iyo labadii gole ee Baarlamanku, waxaannu yidhi, “Waxaannu aragnay uun saddexdii oo heshiiyey oo Guurtidii iyo Wakiilladii oo inta Madaxtooyadu warqad soo qortay la yidhi labadiiba aqalba ha la kordhiyo oo uu midna koradhsaday 2 sanno iyo 8 bilood, midna 3 sanno iyo 8 bilood. Horta halkaa waxa ka dhacay saaxiibtinimo saddexdii aqal ah, sharci aannu ku qabanaana muu jirin oo Guurtidii aannu doonaynay in aannu beddelno ayaa iyadii la yidhi ka soo tali.”
“Wax innaga xiga doorashada Guurtida ma jiro ee reero ayaa laga soo doortay oo xataa lacag uma, goob-joogayaal iyo qaadhaan-bixiyayaal toona uma baahna, waa reer walowba intaada keen, intaas ayeynu ku dhaqaaqi kari la’anahay, markaa waxaad halkaa ka aragtaa rabitaan baan jirin.
Afrikaanku markay doonayaan inay meesha sii joogaan dastuurka ayey beddelaan oo halkii labada jeer loo ogolaa ayey saddex ka dhigtaan, laakiin reer Somaliland dastuur ma beddesho ee koradhsiiyo yar bay samaysataa oo ah cudurkii Afrikaanka uun,” ayuu intaa raaciyey hadalkiisa.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha UCID waxa uu ka hadlay culayska beesha caalamku saarto Somaliland marka doorashooyinku dib u dhacaan iyo sida ay uga aamusan yihiin hoggaamiyeyaal Afrikaan ah oo dastuurka u fura si ay u sii haystaan xukunka waddamadooda.
Isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Annagu had iyo jeer waxaannu jecelnahay in aannu eegno danta Qaranka maxaa nabadgalyadeeda iyo mudnaanteeda ah. Beesha caalamka aad iyo aad baanu u jecelnahay inay na caawiso, laakiin wixii hadda ka dambeeya waxaannu jecelnahay in aynu innagu lahaanno [qabashada hawlaha doorashooyinka]. Iminka waxa la innagu yidhi kala badh baa fadhiya (shirka) qaadhaan-bixiyayaashii oo intii kale way cadhootay oo maxay Museveni (Madaxweynaha Yugaandha) ugu cadhoonwaayeen oo intaas oo jeer koradhsaday, Burundhi iyo Ismaaciil Cumar Geellaha agteenna (Madaxweynaha Jabuuti) maxaa loogu cadhoonwaayey? Waa miskiin baa leh Misko la fuulo, waanu jecelnahay inay nala shaqeeyaan, laakiin inay toban, lix ama shan milyan dollar nagula taliyaan dalka maaha, waa in aannu is ixtiraamno labadayaduba, annaga ayaa soo saarnay nidaamka axsaabta badan oo dadkayaga iyo odayaashadayada ayaa sameeyey ee sida waddamada Afrikaanka nalaguma cadaadin, cid nagu khasabtay oo dalalka reer Galbeedka ahi may jirin, markaa diyaar uma nihin inay noo yeedhiyaan, annagoon jeclayn dib-u-dhaca haddana waxaannu jecelnahay in aannu annagoo xor ah aannu doodno oo aanay cid kale dibadda cadaadis naga saarin.”
Ugu dambayntii, waxa uu xusay in qabsoomidda doorashada Madaxtooyada Somaliland ee u qorshaysan bisha March 2017 ay ku xidhnaan doonto kolba sida ay noqoto xaaladda abaartu, “Komishanka waanu is aragnay maanta (shalay) waa diyaar oo waxoogii way qabsadeen, waxaannu ku nidhi inoo daabaca kaadhadhka, markay inoo dhammeeyaan kaadhadhka haddii intaa roobku imanwaayo annagu dadkayaga maydkooda isku dul qabsanmayno ee dib baanu u dhigi doonaa, markaanu aragno in dadkayagu ka soo doogay oo ay codka bixin karayaan oo ay qaadan karayaan kaadhadhka ayaanu qabsan doonaa doorashada Insha Allaahu. Qaadhaan-bixiyayaasha shirkan joogana waxaanu leenahay ha inoo dambayso taa dambe ee horta naga caawiya abaarta,” ayuu ku soo gunnaanaday hadalkiisa Eng. Faysal Cali-waraabe.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha UCID, muddo-kordhinta loo sameeyo madaxda Somaliland, waxa uu la mid yahay xukun-jacaylka hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika, kuwaasoo qaar ka mid ah uu tusaale u soo qaatay wargeyska Jamhuuriya, kana mid yihiin Madaxweynaha dalka Rwanda (Ruwandha) Mr. Paul Kagame oo hore u caddeeyey inuu mar saddexaad tartami doono marka muddo-xileedkiisu dhammaato sannadka 2017, kadib markii uu wax-ka-beddel ku sameeyey dastuurka, halka sidoo kale Madaxweynaha dalka Brundi Mr. Pierre Nkurunziza, ayaa markii muddadii loogu talogalay dhammaatay, waxa uu go’aansaday inuu mar saddexaad tartamo, waxaannu qabtay doorasho uu ku guulaystay bishii Julay ee sannadkii 2015, taasoo colaad khasaare badan ka dhashay ka abuurtay dalkaas.
Geesta kale, Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii afraad qabtay xukunka dalkiisa, kadib markii uu furay dastuurka bishii April ee sannadkan 2016, halka sidoo kale ay Madaxweyneyaasha dalalka Ugandha Mr. Yoweri Museveni, Eratariya Mr. Isaias Afwerki iyo madax badan oo qaaradda Afrika ay xukunka dalalkooda hayaan muddo aad u dheer.