X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha UCID oo ka Digay Saamaynta ka Dhalan Karta Musuqmaasuq Lagu Calaamadiyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Araweelo News Network
“Mmidnimo Soomaali imanmayso oo annagaa keenay, waa kuwaa Jabuuti, Kilalkii 5aad, NFD iyo Soomaaliya ee maxaa annaga dusha naga saaray? Eng. Faysal Cali-waraabe
Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ka digay saamaynta eedaymo musuqmaasuq iyo nidaam xumo loo jeediyey dawladda Somaliland ay ku yeelan karto mucaawimooyinka dibadeed ee dalku ka helo beesha caalamka.
Eng. Faysal waxa uu tilmaamay in dagaal lagula jiro Somaliland oo dad aannu carrabaabin ay warbixinno dhaleecayn iyo cambaarayn musuqmaasuq ka gudbiyeen, taas oo xusay inay sababi karto in la jaro deeqaha dibadda ee la siiyo Somaliland.
“Dadka reer Somaliland ee leh casuumad baa naloo soo diray (ka qaybgalka shirarka Soomaaliya loo qabto), haddii lagugu casuumo Naarta miyaad tagaysaa? Nidaamkii dawladnimo ayaa laga tallaabayaa, kii taga Xamar wuxuu leeyahay annagaa metalna Somaliland, innagii baa waxaan jirin la innaga dhigayaa, innagii baa isku maqan, qabaa’il ku soconna. Adduunkii oo dhan baa la innaga soo xidh-xidhay, dawladdeenii waa la cambaareeyey oo dawlad musuqmaasuq ah oo kharaab ah baa laga dhigay, bisha April (2016) waxa laga yaabaa in aan mucaawimoba la ina siin, waxa la yidhi meeshii waa la boobayaa, innagii baa isku maqan. Markaa waxaannu jecelnahay in aynu fadhiga ka kacno,” ayuu Eng. Faysal Cali-waraabe oo u warramay telefishanka madaxbannaan ee START Tv shalay.
Waxa kaloo uu ka hadlay shirka Soomaaliya loogu qabanayo magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti, kaas oo uu sheegay inuu yahay mid ka dhan ah Qarannimada Somaliland, isla markaana ay dabada ka riixayaan siyaasiyiinta hoggaamiya kooxda la baxday Khaatumo.
Isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Arrinta ka socota Jabuuti waa sheeko uu wato nin keliya oo ah Cali Ciise Cabdi (madaxa kooxda Khaatumo), nidaam fedaraal aan jirin oo aan ka hirgelin Soomaaliya iyo Khaatumo uu tuurta ku sito ayuu doonayaa inay dhismaan oo aan soconayn. Jabuuti kuma jirto arrintaas ee mashruuc uu nin wato oo ay lacagta siinayso IGAD. Markaa nin gurigiisii hagaajisan kariwaayey oo maamul iyo nabad samaysan kariwaayey ee shisheeye, Afrikaan iyo ballaayo walba dhulkiisa ka buuxdo inuu yidhaa midnimo ayaan ilaalinayaa, adeer annagaa midnimada keenay, annagaana joojinay oo imannamayso, car waakaase Soomaali ha isku timaado, laba arrimood oo aannu keenay midna imanmayso cadawaad Itoobiya imanmayso oo annagaa idinku beernay, midnimo Soomaalina imanmayso oo annagaa keenay, waa kuwaa Jabuuti, Kilalkii 5aad, NFD iyo Soomaaliya ee maxaa annaga dusha naga saaray?”
Dhinaca kale, Guddoomiye Faysal waxa uu bogaadiyey kormeerkii uu Madaxweyne ku sameeyey waaxda Garsoorka ee xarumaha Hargeysa Axaddii toddobaadkan, waxaannu soo jeediyey in la kordhiyo miisaaniyadda Garsoorka si loo helo caddaalad sugan, “Garsoorka waa in miisaaniyad badan loo sameeyaa, caddaaladdu hadday innaga xumaato waxba noqonmayno, muraayadda ummaddu waa caddaaladda. Markaa garsoorayaasheenna nin laba boqol doollar qaata oo kiis qaadayaa sidee buu laaluush uga baxsan karayaa? Waa in mushahar fiican la siiyaa oo askar ilaalisa la siiyaa, waa in lagu kormeeraa oo la baadhaa garsooraha inta kiis ee uu qaaday oo la eegaa inta uu caddaalad u qaaday iyo inta caddaalad-darro ah, waa in qareenka la baadho in qofka uu difaacayey si caddaalad ama khalad ah u difaacayey. Waa in la sameeyo komishan madaxbannaan oo kormeera oo baadha garsoore ilaa qareen,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.

 

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post