Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faisal Cali-waraabe, ayaa iftiimiyey dhibaatooyinka adeegyada bulshada ee ka taagan Somaliland.
Guddoomiye Faysal Cali-waraabe oo hadal ka jeediyey xaflad lagu xusayey maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka February oo ku astaysan kacdoon ay sameeyeen da’yar reer Somaliland ahi muddo 35 sanno ka ah xilligii dawladdii Siyaad Barre, waxa uu sheegay in dhibaatooyinkii adeegyada bulshada ka taagnaa waqtigaasi badankoodii ka jiraan Somaliland oo muddo 26 sanno ah ahayd qaran madaxbannaan oo xorriyadiisii dib-ugala soo noqday Soomaaliya.
Eng. Faysal Cali-waraabe oo tilmaamaya adeegyada bulshada Somaliland ka maqan xilligan waxa uu yidhi, “Maanta waxa iswaydiin leh digtaytarkii iyo duub-caskii gudaha u soo dhacaysay waynu ka bogsanaye dhallinyarteenu maanta gaajadii ma ka xor baa? Maya ee ka xor maaha, caafimaad la’aantii ma ka xor baa? Maya, cusbitaallada berigaa qaar baa shaqaynayey ee maanta way xidhan yihiin qaarkood, tacliinteenu maanta miyey dhaantaa kuwii hore? Maya ee ma dhaanto, macallinka qaata $100 ama $50 wax hagaagsan dhigimaayo, carruurteenu laydh miyey haysataa? Maya ee laydh ma haysato, carruurteenu biyo miyey haysataa? Maya ma haysato, carruurteenu shaqo miyey haysataa? Maya ee shaqo ma haysato. Waxaynu ku faannaa ma jirto nimanyahow been baad isugu sheekaynaysaane, naftaada been looma sheego, wax weli naftooda been u sheega innaga ayaa la hayaa Wallaahi.”
“Hablaheennu miyey tacabiri jireen oo Magafe miyuu qabsan jiray? Waa maya, Siyaad ha dhintoo ha dhaco ayey odhan jireen, maantana Farmaajo ha noolaado ayey leeyihiin, yaa halkaa gaadhsiiyey? Innaga ayaa gaadhsiinay oo siyaasiyiinta iyo madaxda ayaa gaadhsiiyey, dawlad-xumaata ayaa gaadhsiisay. Waxani ma soconayso ee waa in aynu dawlad wanaagsan samaysanaa oo caddaalad ku shaqaysa, labadii inan ee iskuul ka soo baxa ayaa mid shaqo la siinayaa midna uu waayayaa oo qabyaalad iyo eex lagu siinayaa, wasiir waliba carruurtiisa iyo reerkooda ayuu shaqaalaysiinayaaye miyey soconaysaa?” ayuu yidhi.
Waxa kaloo uu ka hadlay sababta keentay in dadku ka soo horjeestaan dadaallada maalgalinta ee dawladda samaysay sida maamulka iyo casriyeynta dekedda Berbera ee DP World iyo saldhigga millatariga Imaaraadka laga siinayo madaarka Berbera, waxaannu yidhi, “Waxa la keenay maalgalin, DP World iyo saldhig baa la keenay waa horumar, waa la diiday, maxaa loo diiday? Aaminaadii dawladnimo ayaa meesha ka baxday, haddaan dawladda la aaminsanayn hadday Dahab keento wuxuu noqonayaa Maar, waa inay dawladdu kalsoonida soo ceshataa ay ku shaqayso.”
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu shacabka ugu baaqay inay isaga doortaan doorashada soo socota, waxaannu ballanqaaday inuu wax ka qaban doono dhibaatooyinka ka taagan dalka.