X

 Guddoomiyaha UCID, Faysal Oo Sheegay In Uu La Yaabay Eedaymaha Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Halka Uu Kasoo Xigtay

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, 12 Jun 2021, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo xalay warbaahinta la hadlay, ayaa daadefeeyay eedaymo uu Wasiirka Arrimaha guddaha Maxamed Kaahin u jeediyay oo aaha in uu ku baaqay mudaharaad maalinta beri ee doorashada shirguddoonka.

Eng. Faysal, oo xalay warbaahinta la hadlay, isagoo daba socda eedaynta wasiirka arrimaha guddaha, wuxuu sheegay in ay layaab ku noqotay markii uu warbaahinta ka arkay arrinta abaabulka mudahaardka ee uu ku eedaynayo.

“Waxa isoo kiciyay waxaan layaabay wasiirka arrimaha guddaha oo anniga isoo xigganaya, isagoo leh “Guddoomiyaha UCID” ayaa ku baaqay mudahaarad, oo yidhi, “dalku khal khal ayuu gelayaa oo belaayaa ka dhacay, waxa lasoo xigtaa qofku wuxuu ka hadlay, ama Tiwitter-kiisa ama faceboog-giisa dhigo, meel alaale meel ninkaa wasiirka ah kasoo xigtay ma garanyo, waxaa mooda in uu dadkii ku kiciyay wax aan jirin.” Ayuu yidhi, guddoomiye Faysal oo daba socda eedaymaha uu wasiir Maxamed Kaahin u jeediyay.

“Anniga iyo Maxamed Kaahin waxaan ku kala suntanahay waa nala kala yaqaan, anniga wuu I aflagaadeeyay, anniguse ma doonayo in aan aflagaadeeyo.” Ayuu yidhi,. Guddoomiye Faysal, isagoo xusay in uu nabadgelyada Somaliland ku faanto uu mudnaanteeda lahaa, sidaa awgeed aan looga baran dhaqanka noocaas ah iyo wixii lid ku ah nabadgelyada iyo qaranimada.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post