X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha UCID, Faysal Oo Saluug Ka Muujiyay Qaaabka Madaxweyne Biixi U Hoggaaminayo Dalka

Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (ANN)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu xildhibaan Dhakool uu dambi weyn ka gallay qaranka, isla markaana ay tahay in sharciga la mariyo.

Gudoomiye Faysal waxa uu sheegay in saluug weyn laga qabo sida uu wax u maamulayo madaxweyne Biixi, isagoo usoo jeediyey inuu tanaasul iyo wadatashi ku hogaamiyo dalka.

“Xildhibaan Dhakool dambi weyn buu galay, dambiga isaga laga gallay waxa ka weyn ka uu dastuurka ka gallay, hadii aan la qaban dadka dili lahaa, ma tagi karo laascaanood oo walaalkii baa lagu dilay aano uu isagu sameeyey awgeed, laakin waxaanu leenahay nidaamka ha loo maro” ayuu yidhi Faysal oo ka hadlayey xadhiga xildhibaan Dhakool.

Sidoo kale, waxa uu dhaliilay sida uu wax u maamulayo madaxweyne Biixi, waxaanu usoo jeediyey inuu wadatashi iyo tanaasul ku hogaamiyo dalka.

“Saluug weyn baa laga qabaa madaxweyne Biixi siduu wax u wado, ha la kala saaro saluuga laga qabo Muuse Biixi iyo qaran dumisnimada, adoo ujeeda Muuse inaad qaranka dumiso maaha, Muuse waxaan leeyahay waxay Somaliland ku soo jirtay oo ay ku soo caano maashay tallo midaysan, is dhagaysi Iyo isku tanaasul, lagaa yeeli maayo taydu ha socoto “.

Ugu dambeyn waxa uu shacabka u hambalyeeyey munaasibadda 18 May oo maalinta Barri ee sabtida ah loo dabaaldegayo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post