Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ka hadlay caqabadaha kala duwan ee horyaal madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, isagoo sidoo kale tilmaamay waxyaabo dhibaatooyin ah oo uu xusay in loo baahan yahay in wax laga qabto.
Eng. Faysal Cali-waraabe oo hadal ka jeediyey xaflad loogu qabtay magaalada Gabilay dhawaan, waxa uu sidoo kale eedaymo kala duwan u jeediyey Madaxweynaha xilka ka sii degay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo).
“Madaxweynahan hadda la doortay waxa hortaagan, dalka inuu sharciga ku soo celiyaa, haddii aan sharciga lagu soo celin, oo aan sharcigu qaban dadka, madaxa ayeynu isla galaynaa…Umaddu haddii aanay sharciga ku kala bixin oo qofkii sharciga jabiya la qaban, cidna cid markaa… gacmaha ayuu ku qaadanayaa sharciga,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Waxaannu intaas raaciyey; “Muuse waxa uu u baahan yahay inuu qaladaadka dalka ka dhacay, labadayaduba in badan ayaannu soo joognay dalka oo waannu garanaynaa inta Somaliland ee mudakarka ah mid kastaa waxa uu galo iyo waxa uu gudo waannu naqaanaa, kuwa wax xaday waannu naqaanaa, kuwa wax mataraha ahna waannu naqaanaa.
Waxa loo baahan yahay inuu bog cusub furo oo uu talada badsado, waxaanna inna horyaal dalkeenu maamulkeennu meel kasta ma gaadhsiisna, haddii aad eegto maamulka Garoowe ilaa 30km ayuu gudaheena soo galay oo sidii Yuhuuddii ayuu deegaamo ka sameystay, taa maxaynu ku soo af-jaraynaa? Waa innaga oo tii Buuhoodle – Khaatumo arrinteeda iska dhammayno, Beriga Sanaag gacanteena kuma jiro, meel Ceerigaabo 60km u jirta ayuu maalin dhawayd Cabdiwali lahaa; ‘Maamul baan ka sameynayaa.’ Ictiraaf iyo mucaawina’iyo iska daayoo, haddii aan gudaheena la hagaajin oo dadkeena la mideyn, adduunka gar uma lihin aynu wax ku weydiisanno.
Inay dawladdu noqoto dawlad exclusive ah (loo dhan yahay), oo sida ay hore ugu dhici jirtay ah mid gees kala dheer, balse ummadda oo dhanni ka muuqato oo kooban inay noqoto oo aqoonyahan ah.”
Guddoomiyaha UCID, ayaa kula taliyey Madaxweynaha la doortay inuu shaqo abuur u sameeyo dhallinyarada wax ku bartay dalka gudihiisa, isla markaana ka digtoonaado inuu xilal u dhiibo dadka qurbo-joogga ah.
“Nimanka ka soo yaacay dibedda ee qurbo-joogga ah ee 20 ilaa 25 sanno ku maqnaa dibedda ee aan waxba soo korodhsan ee inoo soo lacag iyo shaqo doontay in la joojiyo. Sannadkii hore waxa aynu soo saarnay 5,000 (shan kun) oo dhallinyaro ah, qaar baa laba laba jeer shahaado haysta oo hooyadood iskuulka ilaa Jaamacadda ka soo saartay ilaa hadda ka bixisaa baska, waanna in kuwaa mudnaanta la siiyo. Wax-matarihii halkaa dibedda tagey ee waxba soo korodhsan waayey ee cidnaba keeni waayey ee dhaqaale sameysan waayey inuu inoo soo shaqo doonto dawlad yar oo aan la ictiraafsanayn oo shaqaalaheeduba kooban yahay, kuwaas horta waa inuu albaabka ka xidhaa. Waa in la xisaatamo,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
Waxa kaloo uu ka hadlay sida qabyaaladdu u naafaysay Somaliland, waxaannu yidhi; “Madaxweynaha la doortay waxa hor taal hawl culus, doorashadani waxay noqotay doorashadii ugu horreysay ee si qabiil ah inoo qeybisay, matelan Mareykanka oo kale doorashadii ugu dambeysay ee ka dhacda 2016-dii laba ayey u qeybisay, Laakiin, innaga qabyaalad ayey inoo kala qeybisay oo waxa lagu galay; ‘Tollaayeey!’ oo ah meesha aynu u nugul nahay reer Somaliland waa qabyaaladda.
Waxyaalaha dib ummadda u dhigana waxa ka mid ah culture-ka (dhaqanka), caadada, isbeddelka cimilada ee adduunka is-rogroggaya. Markaa innaga qodobka dib inoo riday ee qayrkeen innaga reebay waa bahasha la yidhaahdo; ‘Qabyaaladda.’
Waxyaabo badan oo aan mujtamaca Soomaali lahayna waynu leennahay, oo marka aad taariikhda dib raacdid xukun sharci ah oo markii Ingiriisku innala joogay protectorate (maxmiyadda) baynu ahayn oo sharciga si toos ah (direct) innooguma xukumi jirin ee si aan toos ahayn (indirect) ayuu ahaayoo; culimaa’u-diinkeena, caaqileenteena, madax-dhaqameedkeena iyo maxkamadaheena qaadiga’iyo ayaa inna xukumi jiray.
Markaa dad ku soo barbaaray sharciga maynu ahayn ee waxaynu ku soo barbaarnay xeerkeenii Soomaalidu ku kala bixi jiray, waxa sharciga innoogu horreeyey Maxamed Siyaad Barre, isaguna waxa uu noqday nin dilaa ah, oo keligii taliye weliba qabiilaysan ayuu noqday, taasina waa ka keenay in Soomaali dib isu aamini weydo. Markaa innagu kii Maxamed Siyaad Barre-na waynu nacnay oo waxa uu ahaa mid aan la qaadan karin.”
Guddoomiyaha UCID, ayaa sidoo kale sheegay in aanay wax sharci ahba ku dhaqmin, waxaannu yidhi; “Dhibaatada maanta inna hortaagan waxa weeye sharcigaas aynu ku socon weynay, haddii aanay ummaddu sharciga ku soconna madaxa ayey isla gelaysaa, institution-kaas (nidaamka dawliga ah) ma ixtiraamno, sharciga kale ma ixtiraamno, sharcigii innoo dhexeeyey ee beelaha ahaanna waynu ka tallaabsannay ee ku soo kornay reer Miyigeenu inta aynaan tuurinba, kii Diinta Islaamkana kuma dhaqanno, kii model-ka ahaa ee qoratayna kuma dhaqanno.”
Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sidoo kale dhaliilay qaabka uu Madaxweyne Silaanyo u hoggaaminayey dalka muddada toddbada sanno ah ee uu xilka hayey, isagoo sidoo kale iftiimiyey sababta uu hore uga hadli waayey waxyaabaha uu hadda u eedaynayo Madaxweynaha, waxaannu yidhi; “Markaa waxeennu waxa weeye bilaa-sharci baynu nahay oo waxa aad arkaysaa iminka haddii aad u eegto hay’adaha dawliga ah ee dalka, gaar ahaan toddobada sanno ee uu joogay Axmed Maxamed (Siilaanyo) kursiga dalka waxa ka dhacay qas badan oo sharci-jabis ah. Annagu waannu xishoonaynay oo maannu doonayn in aannu jiid-jiidanno oday weyn oo xannuunsanaya oo waayeel ah, haddii aannu taabanna reer naga dhexgalaya.”
Mushkiladaha inna haysta waxa ka mid ah; qof ayaa heer qaran noqonaya, qofku marka uu xil qaran qabto oo ummaddeed reer ma’aha, dantii ummadda ayuu ahaa oo waa lala xisaabtamayaa, waxannu leennahay; ‘Waad qaldantee joog.’ Halkaas iyo halkaas ayuu xummeeyey, balse innaga reerkoodii ayaa xanaaqaya.”
“Anigu waxa ugu badan ee aan Siilaanyo ugu gaabsaday (in aannu dhalliilno) waxay ahayd, ‘Vote-ka (codka) Habar-jeclo yaanad waayine ha kaa nabadgalo,’ ayaan lahaa, laakiin hadda vote (codkii) meesha ma yaallee runta ayaan idiin sheegayaa; Baarlamaankii ayuu u kordhiyey, Guurtidii ayuu u kordhiyey, oo waxa aannu ku heshiinay in aannu Guurtida kala dirno oo aannu Guurti cusub sameyno, oo afartii sanno ee Rayaale innagu sameeyey ayaa bilaa-sharci ahayd. Iska daa Guurtidii oo iyagiina (Madaxweynaha) haddana way u kordhiyeen, Baarlamaankiina way u kordhiyeen.”
“Xisbiyada oo ahayd in aan la furin ayuu nagu furay, sharci ma jirin furayaa saddexda xisbi, tiina maxay innagu sameysay? Qabiil ayey innagu sameysay, oo qabyaaladaas maanta aynu ku baxsannay in aynu is-dilno waxa keenay ururradii la furay ayey ahayd, oo dad ayaa ku dhintay, reer-reer ayaa loo kala baxay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.