X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Oo Sheegay Sida Lagu Helikaro Ictiraafka Somaliland

Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa iftiimiyey in aannu dalka Somaliland midoobi doonin haddii aanay midaysnayn bulshada muwaadiniinta ah.
Eng. Faysal Cali-waraabe oo sidoo kale ah murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID oo hadal ka jeediyey qado-sharaf loogu sameeyey Hargeysa, waxa uu tilmaamay aan la ictiraafayn Somaliland haddii aan lagu dhaqmin sharciga iyo nidaamka dawladnimo.
“Dalkeennu ma midoobayo haddii aanay dadkeennu midaysnayn, lamana ictiraafayo Somaliland, haddii aanay Somaliland oo dhan u dhammayn goonni-isu-taaga. Lama ictiraafayo Somaliland, haddii aanay Somaliland ku shaqaynayn caddaalad iyo nidaam dawladeed oo leh kala dambayn iyo sharci, taasina waxa ay u baahan tahay in cidda wax tirsanaysa dadkeena oo dhan aynu gogol u fidiso oo la wadahadlo,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
Waxaannu intaas ku daray; “Wax aynu wada leenahay oo lagu wada raali yahay oo aan reer ka muuqan, reerna ka qatanayn in aynu samaysano ayeynu doonaynaa, Insha Allaah. Wadahadalka Khaatumo iyo Somaliland waynu soo afjari doonaa, meel fiicana way marayaan.”
Guddoomiyaha UCID, ayaa sidoo kale xaqiijiyey inuu diyaar yahay shaqsiga noqonaya murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka xisbigooda, laguna dhawaaqi doono marka la soo afjaro wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Khaatumo.
“Xisbiga (UCID) Madaxweyne-ku-xigeenkiisii waa diyaar, waannu ka fiirsanay. Ma doonayno Madaxweyne-ku-xigeen hadhaw la yidhaah waar xaguu kan ka keenay. Waxa aannu doonaynaa in Madaxweyne-ku-xigeenkeennu uu qabto shaqada badankeeda, anniguna waxa aan la soo hadhayaa haddii Ilaahay yidhaah siyaasadaha arrimaha dibadda iyo difaaca, inta kalena (hawlaha qaranka) waxa aannu siinaynaa Madaxweyne-ku-xigeenka, waxaanan samayn doonaa Madaxweyne dalka mideeya bariga iyo galbeedkaba, markaa wuu jiraa (murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka UCID), laakiin hawlo jira aawadeed oo taas Khaatumo ka mid tahay in aannu horta dhammaystirno,” ayuu yidhi Murrashaxa xisbiga UCID.
Waxa kaloo uu ka hadlay doodaha maalmihii u dambeeyey ka taagnaa kiniisad ku taal Hargeysa, isagoo xusay in mawqifka xisbiga UCID yahay hadba waxa ay diinta islaamka iyo culimada reer Somaliland ka qabaan hawlaha kiniisadaha, waxaannu bulshada ugu baaqay in aan wax macno buuran ah laga dhigin arrintaas, loona daba fadhiisto waxa ay shareecada islaamku ka qabto.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post