Araweelo News Network
faysal UCID

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Jamhuuriyadda Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey natiijo is-afgarad ah oo laga gaadho wejiga labaad ee wadahadalka tooska ah ee Somaliland iyo kooxda Khaatumo oo ka furmaya dalka Jabuuti toddobaadkan.
Wejiga labaad ee wadahadalka Somaliland u matalaya wadahadalka kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiyo siyaasiga Prof. Cali Khaliif Galaydh oo la filayo inuu ka qabsoomo magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti maalmaha soo socda, waxa lagu wadaa in lagu sii ambaqaado qodobadii ay labada dhinac isla gaadheen kulankii kowaad ee tooska u dhexmaray oo bilo ka hor ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Eng. Faysal Cali-waraabe oo ka mid ah xubnaha Somaliland u matalaya wadahadalka, ayaa sheegay inay ku wadaan kulanka inuu ka soo baxo is-faham dan u ah reer Somaliland oo ka naxiya cadowga Jamhuuriyadda Somaliland.
“Khaatumo dad fiican weeye, innaga ayey wax innaga khaldanaayeen, waayo caqliga ma gali karto in reer Buuhoodle oo 90KM u jira Burco in aynu 25 sanno gaadhiwaynaa, innaga ayaa wax hagranaynay ee iminka waanu soo afjaranaynaa Insha Allaahu, aad iyo aad baan u hambalyeynaynaa Prof. Cali Khaliif oo arrintan ka ah hormood, waxaannu jecelnahay in aannu isku nimaadno Isniinta ama Salaasada oo go’aamo fiican oo cadowgeenu ku jabaana ay jiraan, waxaannu ka shaqaynaynaa in dhulkaasi barigana wixii Burco bari ka xiga loo badiyo mucaawanada 60% marka ay innaga baxdo abaartu, maxaa yeelay Galbeedka iyo Bariga waxa u dhexeeya farqi wayn, wixii mugdi inoo dhexeeyeyna in la soo afjaro Insha Allaahu,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta xisbigiisa Hargeysa.
Waxa kaloo uu ka hadlay doorashada lagu wado in dhawaan lagu doorto Madaxweyne cusub oo ay yeelato Soomaaliya, waxaannu dardaaran culus u diray xildhibaannada codka doorashada bixinaya oo uu ugu baaqay inay soo saaraan qof wanaagsan oo dani ugu jirto dadka dhibaataysan ee Soomaaliya, isla markaana daacad ka noqda wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ee ay ku kala bixi lahaayeen.
Guddoomiye Faysal waxa uu ku eedeeyey Madaxweynaha xilku ka dhammaaday ee haddana mar kale u tartamaya Soomaaliya Xasan Sheekh inuu burburiyey wadahadalladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya, waxaannu yidhi, “Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya waxa burburiyey Xasan Sheekh, nimankaasi hadday la yimaadaan sidii lagu heshiiyey oo wixii hore loogu heshiiyeyna ay fuliyaan oo cadaawad Somaliland ah ay ka tagaan waanu la shaqaynaynaa, haddii kalena adduunka ayeynu si toos ah ictiraafkeenna u waydiisanaynaa, ictiraafkeenna looma hawlgaline halkaas ayuu iska yaalaa.
“Ciidammadeennana waynu xoojinaynaa, dhaqaalaheennana waynu hagaajinaynaa, waxaynu samaysanaynaa dawlad leh ciidammo iyo dhaqaale oo hay’bad leh, beelahan meesha ku shirshiraya ee kolba nin la keenayaa waxba innaga qaadimaayaan, kuwani (Soomaaliya) maba jiraan ee waa la haystaa oo intaas oo dawladood ayaa xukuma, afkana Somaliland bay ka hayaan, waxaannu leenahay waar gudihiinna hagaajista Somaliland way jirtaaye,” ayuu hadalkiisa raaciyey Faysal Cali-waraabe.