X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Telesom Cabdikariin Maxamed Iid Oo Loo Xulay Abaalmarinta Tartanka Hoggaamiyaha Ugu Wanaagsan Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Afrika

Guddoomiyaha Shirkadda Telesom, Md. Cabdikariim Maxamed Iid,

 

 

Hargeysa(ANN) – Guddoomiyaha Shirkadda Telesom, Md. Cabdikariim Maxamed Iid, ayaa ka mid noqday hoggaamiyayaasha shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Teknoolajigga Afrika ee loo xulay in ay u tartamaan Abaalmarinta Caalamiga ah ee loo yaqaano “CXO of the Year” oo ah Abaalmarin Caalami ah oo lagu muujiyo hoggaamiyayaasha ku guuleystay in ay horumar ku soo kordhiyeen Isgaadhsiinta & Teknoolajigga Afrika. Abaalmarintan oo lagu magacaabo “AfricaCom Awards” waxa sannadkasta lagu soo bandhigaa Shirweynaha Teknoolajigga ee “AfricaCom” oo lagu qabto South Afrika. Shirweynahaasi oo ah ka ugu ballaadhan ee lagu soo bandhigo Teknoolajiyadaha Casriga ah ee kala duwan.

Hoggaamiyaha Shirkadda Telesom Somaliland waxyaabaha lagu xushay waxa ka mid ah in uu shirkadda uu mas’uulka ka yahay ku guulaysatay in ay door muhiim ah ka ciyaarto horumarka dhaqaalaha Somaliland, iyada oo Somaliland ka dhigtay waddankii shanaad ee si habsami ah uu uga hirgalo adeegga moobilka lacagta la isugu diro (ZAAD) iyo waddankii ugu horreeyey ee laga hirgeliyo adeegga sarrifka lacagta moobilka, taas oo isbeddel ballaadhan ku sameysay nolosha bulshada Somaliland. Adeegyada kale ee indhaha caalamka soo jiitay waxa ka mid ah adeegga Cloud-ka iyo adeegyada dheeraadka ah (VAS) oo uu AQOONMAAL ka mid yahay.

 

Haddaba waxaad awood u leedahay inaan u codayso xubnaha la soo xulay ee uu ku jiro Cabdikariin Maxamed Iid. Si aad u codayso booqo link-ga

https://www.surveymonkey.com/r/africacom-cxo-ecxo-2018   ka dib xagga hoose waxaa kuu soo baxay liiska musharaxiinta oo Cabdikariin Maxamed Iid ku jiro dhex, battan riix, ka dib hoos u daadaga, ka dibna hoos u daadag, buuxi qodobka 3-aad, haddii aad doonto qodobadda kale ka sii hooseeya sax ka aad doonto, ka dib next door, waxaa kuu soo baxaysa waad ku mahadsantay codayntaa, ka dibna ok, ka dibna riix DONE sidaasi ayaad ku codaysay.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post