Araweelo News Network
soljaHargeysa(ANN)Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ka hadlay dacwado loo adeegsanayo xeerka ciqaabta guud oo loo haysto hay’addo warbaahineed iyo suxufiyiin kala duwan, kuwaasoo gal-dacwadeedkoodu yaal Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex.
Warsaxaafadeed uu Guddoomiyaha SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) soo saaray shalay, ayaa lagu sheegay in dacwadaha loo haysto hay’adaha warbaahintu yihiin qaar ka horimanaya Xeerka Saxaafadda Somaliland.
“Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu u arkaa dacwadaha ka dhanka ah hay’addaha warbaahinta iyo suxufiyiinta Somaliland ee loo marayo Xeerka Ciqaabta Guud mid ka horimanaya Xeerka Saxaafadda Somaliland qoddobkiisa 10aad, faqraddiisa 6aad, kaasoo si cad u sheegaya in dacwadaha saxaafadda loo raaco xeerarka maddaniga ah ee dalka.
Ururka SOLJA waxa maalmahan isha ku hayaa dacwadaha xukuumaddu ku soo oogayso wargeysyada kala ah; Ogaal, Waaheen, Hubaal, Hubsad, Xog-ogaal iyo Codka Shacabka iyo sidoo kale weriyayaal ka tirsan bahda warbaahinta, gaar ahaan kuwo isticmaala mareegaha iyo Facebook-ga, kuwaas oo dhammaantood gal-dacwadeedyada ka yaal Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay yihiin kuwo Xeer-ilaalintu u cuskatay qoddobada Xeerka Ciqaabta qaarkood, sida qdobadda 70aad, 71aad iyo 75aad.
Uruka SOLJA waxa uu markasta u arkaa Xeer-ilaalinta iyo madaxda xukuumadda Somaliland inay baal marayaan inay dabaqaan ku dhaqanka xeerka madaniga, sida uu dhigayo Xeerka Saxaafaddu, kaasoo jidaynaya in loo raaco qoddobadda 167, 218 iyo 219, kuwaas oo si cad ugu jidaynaya garsoorku inay u raacaan mag-dhawga la saarayo suxufiyiinta lagu heli dambiga lagu eedaynayo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLJA.
“Muddada dacwadahan yaalleen garsoorka oo gaadhaysa lixdii bilood ee ugu dambeeyey, xafiiska Xeer-ilaliyaha Guud waxa uu si cad u diiday dacwad ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, taasoo uu dhibbane ka yahay weriye Cabdifataax Caarshe oo dhib ka soo gaadhay qafaalasho iyo garaacis ay wasiirka daakhiliga iyo ilaaladiisu kula kaceen, isagoo dhibbanuhu u maray dacwaddiisa qoddobka 17aad ee xeerka Habka Ciqaabta iyo qodobka 64(8) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhigaya in loo gudbiyo Xeer-ilaaliyaha Guud.
Haseyeeshee, Xeer-ilaaliyuhu si toos ah u diiday cabashadaas, isagoo ku riixay dhinaca Maxkamadda, balse markii Maxkamaddu oggolaatay dacwadda dhibbanaha, ayey Xeer-ilaalintu haddana mar kale horistaagtay baadhista ay Maxkamadda Gobolku amartay in lagu sameeyo dacwadda loo haysto Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ilaaladiisaba.
Haddaba, waxa Ururka SOLJA u arkaa dhacdooyinkaas kor ku xusan inay yihiin kuwo ka dhan ah suxufiyiinta, isla markaana xafiiska Xeer-ilaalintu ugu badheedhayo inuu u adeego oo kali ah masuuliyiinta qaranka xilalka u haysa, muwaaddiniinta uu masuulka ka yahay-na kula kacaya caddaalad-darro amma dhex dhexaadnimo la’aan.
Ururka SOLJA waxa uu soo dhaweynayaa hoos u dhaca ku yimi in xadhigii suxufiyiinta, balse, ay ilaa hadda jiraan falal ay masuuliyiinta qaarkood kula kacayaan suxufiyiinta, iyaga oo aan tixgalin heshiiskii saxaafadda, garsoorka iyo xukuumaddu ku gaadheen in aan wariye la xidhin iyada oo aan loo marin nidaamka Xeerka Saxaafadda, qoddobkiisa 8aad jidaynayo, tallaabooyinkaas oo ay laba wariye ugu xidhan yihiin magaaladda Boorama, iyada oo aan ilaa hadda la horgayn maxkamadda.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland, waxa uu ugu baaqayaa xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inay dib u eegto kiisaska ka dhanka ah suxufiyiinta, isla markaana ka hortagto sumcad xumada ay dalka ku keeni karaan, iyadoo ururku diyaar u yahay dariiq kasta oo lagu xalin karo kiisaska suxufiyiinta amma ay aqbasho dacwadaha ka dhanka ah masuuliyiinta madaxweynuhu magacaabay ee xilalka kala duwan u haya qaranka Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiye Xuuto.