X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Diiday Codsi uga Yimi Wasiirka Caddaaladda Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Guddiga Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa go’aan diidmo ah ka soo saaray codsi uu ka helay Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre.
Wasiirka Caddaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadarre, ayaa codsi uu dhawaan u gudbiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare kaga dalbaday inuu rukhsadda qareenimo kala noqdo Guuleed Axmed Jaamac oo ka mid ah garyaqaannada ka shaqaysta maxkamadaha Somaliland, isagoo ku sababeeyey inuu isku mar yahay qareen iyo Guddoomiyaha urur xuquuqal-iinsaan labadaba.
Hasa yeeshee, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ka soo horjeestay codsiga wasiirku u diray, waxaannu kaa beddelkiisa soo saaray qaraar uu ku burinayo, kuna sheegayo in Mr. Guuleed haysto rukhsad uu kaga hawlgalo hawlaha dacwadaha ee dalka.
Guddoomiyaha oo qaraarkiisa soo saaray shalay ku socodsiiyey Wasiirka Caddaaladda, lana socodsiiyey Xeer-ilaalinta iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh arrintan, waxa uu ku yidhi, “Kol haddii aanan ka helin Guddiga Rukhsad-bixinta iyo anshax-marinta Qareenada wax jawaab ah oo ku saabsan dacwadda Guuleed Axmed Jaamac iyo in ay ka joojiyeen Guuleed shaqada qareenimo iyaga oo anshax-marinaya awgeed, isla markaana aanay ka jawaabin cabashadiisa ku taariikhaysan 21 May 2016, waxaan kula socodsiinayaa in aanay ka joojin karin Guuleed inuu ku sii shaqaysto xirfadda Qareenimo sababahan soo socda awgeed:
1. Awoodda rukhsad siinta, ka joojinta iyo anshax-marinta waxa iska leh Guddiga Rukhsad-siinta iyo anshax marinta sida uu dhigaayo Qodobada 3aad iyo 16aad ee xeerka Qareenada Xeer Lr. 30/04.
2. Marka qareen la anshax-marinaayo waa in la caddeeyo sababta lagu haysto, isla markaana uu is difaaco si xor ah si waafaqsan sharciga.
3. Qofku inuu ka tirsanaado hay’ad Xuquuqal-iinsaan ama mid bulsho kama horimanayso inuu ku shaqaysto xirfadiisa qareenimo. Waxaanna arrinkaa caddeeyey oo ogol Xeerka Qareenada Somaliland. Eeg Qodobka 2aad Xeer Lr.30/04 oo ka hadlaaya dadka laga reebay in ay ku shaqaystaan Mihnada Qareenimo.
4. Haddii ay jirto Maslaxado iska horimanaaya (Conflict of Interest) oo ku saabsan dacwadda gaar isla markaana Qareenku dhinac ka yahay waa la amri karaa ama laga codsan karaa inuu ka baxo dacwaddaa, laakiin ma keensanayso in rukhsada gabi ahaanba laga joojiyo.
5. Inaga oo og in Qareenku yahay tiir caddaaleed, isla markaana loo baahanyahay in uu u shaqeeyo si madaxbannaan, kuna dheehantahay xirfad wanaag iyo akhlaaqa wamaagsan.”
Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu sheegay in haddii ay jiraan dacwado kale oo sharciga la xidhiidha oo loo haysto Garyaqaan Guuleed loo marayo sifo sharciga waafaqsan, “Sidaa awgeed, Mudane Wasiir Guuleed Axmed Jaamac wuu sii wadanayaa ku shaqaysigiisa Xirfada Qareenimo Maxkamadaha Somaliland, hay’adaha maamul hortooda iyo meelaha kale ee looga baahanyahay rukhsada qareenimada, isagoo ku matali doona macmiilkiisa (dadka uu difaacayo), maxkamadaha kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, dacwadaha Idaariga ah iyo meelaha kale ee looga baahan yahay.

Haddii loo haysto Guuleed Axmed Jaamac arrin xagga anshaxa ah ama qodob sharci oo uu jabiyey waxa loo marayaa si sharciga iyo xeerarka dalka u yaala waafaqsan, waxaanna go’aan ka soo saaraya Guddiga Anshax-marinta iyo Rukhsad-bixinta Qareenada Somaliland si waafaqsan Xeerka Qareenada Xeer Lr.30/04,” ayuu ku gunnaanaday go’aankiisa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post