X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Caddeeyey Sababta Xuddunta U Ah Iscasilaadda Garsoorayaal Ka Hawlaga Awdal

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa caddeeyey sababta xudunta u ah garsoorayaal ka hawlgali jiray Maxkamadaha Gobolka Awdal oo si wadajir ah u shaaciyey inay is-casileen.
Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Awdal iyo saddex garsoore oo ka hawlgali jiray Maxkamadda Degmada Boorama, ayaa ku dhawaaqay inay iska casileen xilalkii ay hayeen iyo ka mid ahaanshihii bahda garsoorka gabi ahaanba Jimcihii.
Hasa yeeshee, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaas oo uu u joogo hawlo shaqo la xidhiidha garsoorka, ayaa sharraxay sababta ka dambaysa is-casilaadda kooxda garsoorayaasha ahaa, waxaannu yidhi, “Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Awdal Idiris waxa la magacaabay 1-dii January 2016 ayuu noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, markaa xilka wuxuu hayey muddo siddeed bilood ah iyo maalmo, kadibna waxa ka timi cabasho xoog leh oo inta badan ku saabsanayd wadashaqayntii maamulkii uu madaxda u ahaa, maadaama uu ahaa madaxii ugu sarreeyey garsoorka Gobolka Awdal waa inuu isku wado maxkamadaha Degmada, Gobolka iyo Racfaanka, markaa cabashadii ka timi waxa baadhay Guddiga Baadhista iyo Dabagalka oo ah guddi ka farcama Guddiga Caddaaladda oo ay hoostagaan, waxa la soo jeediyey in inta baadhistu socoto in xilka ku-meelgaadh ahaan looga sii wareejiyo, iyadoo qoraalkiisa la qoray 24-kii bishii hore September, isagana maalin dhawayd ayaa la ogaysiiyey intaan u yeedhay oo aan ku idhi si aad adiguna isu difaacdo, baadhistuna u socoto xilkii ku-meelgaadh ahaan ayaan kaaga wareejiyey, waxaannan u wareejiyey Maxamed Siciid Saaweer oo ah garsoore kale oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Awdal, isagana (Guddoomyihii hore) waxaan u soo wareejiyey garsoore Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Hargeysa ah, markaa kadib ayuu isaguna hadlay oo uu yidhi waan is-casilay.”
Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey, “Waxa ku xigay shalay (Jimcihii) afar garsoore oo uu isaguna dhex fadhiyey oo u muuqday inuu isagu soo abaabulay oo iyaguna yidhi waanu is-casilnay, garsoorayaashaasi oo uu ku jiro Idiris oo ahaa garsoorayaashii cusubaa, anigu waxaan ahaa macallimiintii tababaray markay garsoorka soo galayeen, muddo gaaban baanay ku jireen garsoorka, markaa aad baanu ugu hanwaynayn oo waxaannu doonaynayna inay noqdaan jiilka beddeli doona garsoorka ee waddanka waxtari doona.”
Waxa kaloo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare beeniyey eedaymo garsoorayaasha is-casilay food-saare ka dhigteen oo ay ku sheegeen in farogelin dawladdu ku hayso shaqadooda iyo dacwadaha ay qaadaan.
“Garsoorka waxa ugu sarreeya anniga, Guddiga Caddaaladda ayaa jirta, waa hay’ad madaxbannaan oo la siman labada hay’adood ee kale ee Qaranka ee Fulinta iyo Xeer-dejinta, waad ogtihiin kalsoonida uu maanta garsoorku haysto oo ilaa axsaabtii mucaaradka iyo bulshowayntii ayaa ku kalsoonaatay, sideedabana maxkamadaha Racfaanka ee Gobolladu kama garnaqaan dacwadaha dastuuriga ah, kuwa siyaasiga ah, kuwa idaariga ah, ma hayaan dacwado xasaasi ah ee waxay hayaan dacwado caadi ah oo adeeg bulsho ah sida dhulka iyo ciqaabaadka, markaa sabab loo farogaliyaaba ma jirto, Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Dastuuriga ah ayuu culays had iyo jeer ku dhacaa oo inta badan kiisaska khatarta ahi yimaadaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post