X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Sheegay In Dacwadda Madaxweyne Bixii U Gudbiyay Aanay Ku Jirin Kootada Haweenku

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali, Image File Araweelo News Network, 20 August 2020.

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Maxamadda Sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali, ayaa ka hadlay dacwad uu dhowaan u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Bixii Cabdi, taas

oo la xidhiidhay arrimaha doorashada ee golayaasha qaranka oo qaraar ay hore usoo saartay dhawr iyo tobban sannadood ka hor loo arkay inay ku tahay carqalad.

 

Garyqaan Aadan Xaaji Cali, oo maanta oo fasax ah xafiiskiisa lagaga duubay muuqaal laga baahiyay Telefishanada qaarkood, wuxuu kaga hadlay dacwada Madaxweynuhu u gudbiyay iyo qaraarka ay Madaxkadda Sare kasoo saartay 2005, arrinta doorashada golayaasha oo xilligan Maxkamadda laga sugayo in ay fasirto qaraarkaa oo dabar ku ah qaabkii hore ee doorashooyinka golayaasha, wuxuuna sheegay in Maxkamadda sare soo saaray go’aanka arrintaa.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay arrinta saami-qaybsiga iyo kootada haweenka, isagoo xusay in aannay ku jiran qoraalka Madaxweynuhu usoo gudbiyay arrinta Kootada ee Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post