Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa shaaciyey inay dayacan yihiin xuquuqaha dhaqan-dhaqaale iyo bulsho ee ay u baahan yihiin dadka bani’aadamka ah, isagoo xusay in xuquuqaha loo doodo ee xoogga la saaro ay yihiin kuwa siyaasiga ah, saxaafadda iyo xoriyatul-qawlka oo qudha.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo hadal ka jeediyey madal lagu xusayey maalinta xuquuqal-insaanka caalamka ee sannad walba la qabto 10 December, kana qabsoontay caasimadda Hargeysa, waxa uu hay’adaha xuquuqal-insaanka ugu baaqay inay qorshayaashooda ku darsadaan sidii loo raadin lahaa xuquuqaha ka maqan dadka danyarta ah iyo kuwa baro-kacayaasha ah.
“Waxa kaloo jira oo aan tilmaamayaa, dadka xuquuqal-insaanka difaaca, ama qaar dawli ah ha noqdaan ama qaar gaar ah ha noqdaane, waxay xoogga saaraan xuquuqaha siyaasiga ah ama madaniga ah, oo waxaaad arkaysaa iyada oo aad loo difaacayo; saxaafadda, xorriyatul-qawlka, siyaasadda in laga qeybgalo, doorashooyin xor ahi inay dhacaan, laakiin, waxa kale oo aad arkaysaan xuquuqihii dhaqan-dhaqaale iyo bulsho in la dayacay ee xuquuqaha waxbarashada, dhaqaale, shaqo-abuurka iyo meelo la galo,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Waxaannu intaas ku daray; “Tusaale ahaan, waddankeena oo kale, maanta qofna ma kari karo dhul uu u hoydo, jago yar oo uu guri ka dhisto ma awoodi karo, meel uu ku noolaado ma heli karayo, looma doono, waqti dheeraad ah lama siiyo, laakiin waxa xoog loo siiyaa siyaasadda, saxaafadda iyo xorriyatul-qawlka oo loo baahan yahay, sababtu waa maxay? Xuquuqal-insaankan caalamiga ah ee maanta jira, waxa uu bilaabmay 1930-kaadkii, 1940-kaadkii ilaa 1950-kaadkii, markii lala dagaalamayey nidaamkii adoonsiga ahaa Mareykanka oo kale ama waddamo badan lala dagaalamayey.
NGO-yadii markaa kacay amma Human Right Watch iyo Amnasty International ay ka mid yihiin, xuquuqihii markaa jiray ayaa ahaa; xuquuqo siyaasadeed amma madani, dabadeedna iyaga baa saameeyey, saameyn ayey innagu yeesheen innaga iyo dawlado fara badan oo berigaa 40-kaadkii ilaa 60-maadkii xuquuqaha taagnaa waxay ahaayeen; in adoonsiga lala dagaalamo, in loo sinnaado oo meelo dhan baa jiray aanay dadka madoobi geli jirin, dabadeedna tii uun baa dabadda la haystaa oo socota.
NGO-yadaas ayaa caalamka saameeyey, iyagaa dhaqaale badan siiya, dabadeedtana saameyn ayey ku yeesheen dadkeena xuquuqaha difaaca, laakiin haddii aad u fiirsato magaalada Hargeysa xaafadda la yidhaahdo State House-ka ama IDP-ga (dadka baro-kacayaasha ah) degan yihiin ama meelaha kale ee dadka dan-yarta ahi ku nool yihiin, dhibaatooyinka ka jira in feejignaan la siiyaa way yar yihiin,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland.
Waxaannu intaas ku daray; “Bal iminka xaafaddaas State House (Istaat hawska) marka aad eegto, malaayiin ayaa ku shaqo la’, malaayiin ayaa ku tacliin la’, intaas oo carruur ah ayaa ku curyaanta, waanna milyan qof oo intay le’eg tahay waad aragteen, meelo badan oo IDPS-ka (baro-kacayaasha) iyo meelo badan oo dadka dan-yarta ahi daggan yihiin ayaa ka mid ah, looma doodo, feejignaan badan lama siiyo.”
“Markaa innaguna maanta waxaynu u baahan nahay inay xoogga saarno xuquuqaha dhaqan-dhaqaale iyo bulsho oo looga baahi badan yahay oo dadkeena boqolkiiba inta badan waa bilaa-camal, oo carruurta boqolkiiba inta badan ayaan waxbarasho tagin. Abaarihii waxay sameeyeen baro-bax, intaas oo kun oo qof ayaan xoolahoodii waayey magaalooyinka soo galay oo ah dad baro-kacayaal ah, meel ay u hoydaan la’ oo aan cunto iyo waxba haysan oo beerahoodii soo waayey oo xoolahoodii waayey, waana in dadkaas loo doodo xuquuqdooda,” ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali Axmed.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa sidoo kale sheegay in cidda ugu weyn ee ilaalisa xuquuqaha bani’aadamku ay yihiin hay’adaha qaranka ee dawliga ah, waxaannu soo bandhigay saddex arrimood oo dawladdu samayso si loo ilaaliyo xuquuqaha aasaasiga ah ee bulshada.
“Qarankan haddii aad iminka xuquuq maqashaan, ururrada iminka sida Komishankan oo kale iyo ururrada xuquuqal-insaanka u dooddaa maxay sameeyaan? Iyagu waxay sameeyaan wacyigelin iyo inay dadka u doodaan, laakiin qaranka hay’adihiisa kala duwani muxuu sameeyaa, haddii uu garsoor yahay, haddii uu wasaarado yahay, haddii uu boolis yahay iyo haddii hay’adaha kale ee qaranka yahayba maxay sameeyaan?
Saddex shaqo ayey sameeyaan; inay xuquuqda ilaaliyaan (Protection) waxa weeye; in dadka nabadgelyadooda loo ilaaliyo, hantidooda loo ilaaliya. Waxa kale oo uu qaranku sameeyaa, inuu shaqooyin dadka siiyo, inuu shaqo-abuur siiyo, inuu dhul siiyo, inuu biyo siiyo iyo meel ay ku noolaado, taasna fulinta ayaa la yidhaahdaa. Ta saddexaad ee kalena waxa weeye, in la ixtiraamo (respect) oo aan dadka xuquuqdooda lagu tacadiyin oo aan dadka si sharci-darro ah la isaga xidhin, in hantidooda loo ilaaliyo oo aan laga qaadin oo la ixtiraamo (respect). Saddexdaasba qaranka ayaa bixiya, ururradiinan kale ee xuquuqda ka shaqeeyaa baraarujin ah ayuun baad sameysaan, laakiin qarankan ayaa bixiya; qaranka ayaa xuquuqda difaaca, qaranka ayaa siiya, qaranka ayaa ixtiraama xuquuqaha,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Waxa kaloo uu ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa awoodaha qaranka, waxaannu yidhi; “Markaa waxa loo baahan yahay in aynu qaran fiican wada dhisno, inaynu qaranka wada dhiirrigelino, in aynu qaranka wax ku darno, inta qarankeenu fiicnaado ayey xuquuqdeenuna fiicnaanaysaa. Waa in aynu sidaas u fahamno taasna, haddii qarankeenu aannu fiicnaan oo aynaan maalgelin sameyn oo qof weliba ka shaqeyn, oo dadka wanaagsani u shaqo tagin, oo aan hantida la ilaalin, oo aan xuquuqda la difaacin, wax xuquuq ahi ma jirayaan. Waayo, xuquuqal ilaaliyaha ugu weyni waa qarankan oo saddexdaas shay ayuu sameeyaa aan idiin sheegay.”
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa sidoo kale tilmaamay in Ilaahay (SWT) uu karaameeyey dadka bani’aadamka ah, sidaa darteedna ay waajib tahay in la dhawro xuquuqahooda.
“Shayga ugu qiimaha badan ee qof iinsaan ahi haysto waa xuquuqdiisa Ilaahay (SWT) siiyey oo qofku xuquuqda wuu la dhashaa, Ilaahay ayaanna Qur’aanka innoogu sheegay inuu karaameeyey dadka bani’aadamka (aayadda 70aad ee suuratul Al-israa). Markaa Ilaahay muu kala reebin, xaataa muu odhan; ‘Waxaannu karaameynay Muslimka,’ ee Ilaahay waxa uu yidhi; ‘Ibnu-aadam oo dhan baannu karaameynay. Markaa dhulka iyo cirkana waannu ka taxnay.’ Oo iyaga ayey u shaqeynayaan wixii joogaa. Markaa taasi waxay ku tusaysaa insaanku inay karaamada koowaad leeyihiin, Ilaahayna uu ku sharfay inay iinsaan yihiin oo Ina Ibnu Aadam yihiin,” ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali Axmed.
“Insaanka (dadka) in xuquuqdooda la ilaaliyo maaha shay cid qudha dan u ah, xuquuqda oo la ilaaliyaa waxay dan u tahay qaranka oo dhan, haddii aad aragto meel xuquuqal-insaanka la ixtiraamayo ama la ilaalinayo waxay calaamad u tahay ummad jirta, inta aynu xuquuqda ilaalino ayey qarannimadeenuna jiraysaa,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Waxaannu intaas ku daray; “Markaa xuquuquhu way badan yihiin oo dhinacyo kala duwan ayey yihiin, waxaanna taas tusaale u ah dastuurkeena Somaliland waxa jira chapter/cutub dhan oo uu kaga hadlay xuquuqaha oo la yidhaahdo; ‘Xuquuqaha aasaasaasiga ah.’ Markaa xuquuqahaas waxa ka mid ah; xorriyaadka amma xorriyatul-qawlka ha ahaado amma xuquuqaha isu-imaatinka iyo shirarka ha ahaado, in ururro la sameysto ee xorriyaadka aasaasiga ah.”
“Waxa kaloo uu ka hadlayaa xorriyaadka aan ahayn kuwa madaniga iyo kuwa siyaasiga ah ee aan ahayn ee ah dhaqanka, dhaqaalaha iyo bulshada, oo ah; in tacliin, biyo, meel la dago, in guri loo hoydo la helo in la helo. Xuquuqahaasi intaba wuu ka hadlayaa dastuurkeenu, welibana halkaa aan tilmaamayee, adduunyada waddamada waaweyn ee nidaamkeena oo kale leh, badankoodaasi xuquuqahaasi dastuurkooda kuma jiraan ama waa xeer amma waa bill kale, oo waddamadii dhawaan dastuurka sameeyey ee Kenya iyo qaar badani ka mid yihiin ayaa innala mid ah.”
Laakiin, innaga [Somaliland] chapter/cutub ka mid ah dastuurka ayaa la geliyey, waayo dadkani asalkoodu waxay ka yimaaddeen dhibaatooyin, dawlado digtaytar ah ayey ka yimaaddeen, cabbudhin ayey ka yimaaddeen. Waxa markaa loo dagaalamay ama dawladnimadan loo dhistay in xorriyaad la helo inay dadku dareemaan inay xor yihiin.
Waxa kale oo jira dawlado dhaqaale fiican haysta oo dadkoodu nolol fiican haystaan oo innaga dakhli fiican, laakiin maanta waxay jamman lahaayeen noloshan aynu ku nool nahay, wixii ugu qaalisannaa bay la’ yihiin oo ah xorriyaddii hadalka ama tii siyaasadda ama inay wax dhaliilaan ama tii noolaanshaha. Waa qanni, wax kasta oo dhaqaale ah way haystaan, way nool yihiin, way dhargeen, laakiin iyaguna dhinaca kale waxayna aanay haysan xorriyaad badan oo aynu haysanno.”
Markaa halkaa waxaynu ka garan karaynaa in aynu waddamo badan oo caalamka ah ka fiicannahay dawlado badan oo jira, oo yeynaan wada haysan waxyaabihii aynu u baahnaan lahayn, laakiin aynu ka fiicannahay dawlado badan oo jira,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.