X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Fariin Dardaaran Madaxda Gobolka Togdheer

 

Burco, Somaliland (ANN)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Adan X Cali Axmed ayaa ku amaanay Madaxda Gobolka Togdheer wada shaqeynta u dhexeysa, kulana dardaarmay inay shaqada Qaranka meel uga soo wada jeestaan.

Kulan muddo saacado ah qaatay oo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Adan Xaaji Cali la yeeshay Axadii Maamulka Gobolka Togdheer, iyo kuwa Degmada Burco, Madaxda Ciidamada Asluubta & Booliiska ayaa la sheegay in diirada lagu saaray wada shaqeynta ka dhexeysa maamulka Gobolka & bahda Garsoorka, iyo nidaamkii dadweyne dhexdegan dhismaha Maxkamada dib-u-dejin loogu heli lahaa.

Hadalo kulanka ay ka soo jeediyeen masuuliyiintii kulanka ka qeybgashay ayey dhamaantood qireen in wada shaqeyn wanaagsan u dhexeyso.

“hawshu si wanaagsan ayey u socotaa, waxii hawlo iyo qabyo kiisas yaalay Gobolka Togdheer & Goboladda kalena, runtii si fiican ayaad u soo dhamayseen, aadna waad ugu mahadsan tihiin.” Ayuu yidhi Taliyaha Qeybta Booliiska Togdheer

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Mr Xasme oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimada wada shaqeynta u dhexeysa masuuliyiinta gobolka joogta, waxaanu yidhi,

“Waanu bogaadinaynaa hawsha aad u timaadeen oo ah hawl-fududeyn dhinaca Caddaaladda ah u samayseen dadkii Hargeysa idiinku iman lahaa ama barriga fog ee Somaliland ka iman lahaa, inaan guryahoodii ugu timaadaan. Bahda caddaaladduna qaabka ay hawsha u wadaan waa tusaale fiican.

Gudoomiye-xigeenka Degmada Burco Mr oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Gobolka Togdheer yahay gobolkii tallada, waxaanu yidhi,

“Haddaan la wada shaqeyn, shaqo gaar u soconaysa oo saxnaanaysa ma jirto. Gobolkan waxuu ka soo jeedaa gobol tallo, kuwa kalena waxaan kaga duwan nahay, dadku maxkamaddaha ayey faylasha kula yaacaan, balse kuwa dhaqanka lagu xalliyo ayaa gobolkan Togdheer ku badan,”

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Adan X Cali Axmed oo kulanka soo xidhay ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlaha u qabsoomay mudadii ay socdaalka shaqo ku joogeen Gobolka Togdheer, waxaanu yidhi,

“Hawlaha Maxkamaddii Sare een soo rarnay, dacwado badan ayey galeen oo Ciqaab iyo Maddani ah, meelo magaalada ka baxsana dacwado ayey ku soo dhegeysteen.

Gudoomiye Adan ayaa sheegay inay jiraan dacwado maxkamadda sare go’aamo ka soo saartay, waxaanu yidhi.

“Dacwado haatan lagu dhawaaqay ayaa jira, dacwadahii fududaa oo dhan, hadday tahay qeybta ciqaabta ama maddaniga, kuwo kale waa lala noqonayaa oo ka fiirsasho badan ayey u baahan tahay.” Ayuu yidhi Gud Adan. Isagoo raaciyey.

“Cabashooyinkii dadweynaha afartii maalmood aanu joognay, waanu dhegeysanaynay, ama hay’adda garsoorka la xidhiidhay, ama si guud, iyagana waanu xallinay.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Gudoomiyaha Guddiga Caddaaladda & Gudoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga Prof Adan X Cali Axmed oo weedho dardaaran ah u jeediyey madaxdii ayaa yidhi,

“Gobolka Togdheer si sharaf leh ayaad u wada shaqeysaan, laakiin, marwalba Dawladnimmadu waa xubin keliya, markaa, Qaranka loo shaqeynayo in dhinac looga soo wada jeesto waa lama huraan.”

Kulanka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Adan X Cali ayaa imanaya, xilli maalintii shanaad hawlo shaqo la xidhiidha dhinaca caddaaladda & garsoorka u joogaan gobolka Togdheer.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post