X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha KULMIYE Oo La Kulmay Ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha Dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta

Araweelo News Network

Dubai(ANN)Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ah wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo safar shaqo ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, ayaa kulan wadahadal ah la yeeshay Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan oo ah Ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta, isla markaana ah Wasiirka Madaxtooyada Imaaradda Abu Dubai.
Kulanka Guddoomiyaha KULMIYE la yeeshay Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka Imaaraadka oo ahaa mid gaar ah oo qaatay muddo saacado ah waxay kaga wadahadleen arrimo badan oo ku saabsan danaha labada waddan ee Somaliland iyo guud ahaan Imaaraadka Carabta, gaar ahaana imaaraadda Abu Dubai, xidhiidhka labada dawladood iyo sii xoojinta wax-wadaqabsi ka dhexeeya.
Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan qodobada ugu mudan ee ay ku falanqeeyeen wadahadalkooda waxa ka mid ahaa;
Ø In kor loo sii qaado xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.
Ø Arrimaha nabadgalyada gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa ka wadashaqayntooda si loo ilaaliyo ammaanka mandaqada.
Ø Waxay lafa-gureen taakulada dawladda Imaaraadka Carabtu siiso Jamhuuriyadda Somaliland iyo baahiyaha kale ee dawladda Somaliland danaynayso in gacan laga siiyo si ay horumar uga samayso arrimaha shaqo abuurka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Ø Guddoomiyaha KULMIYE iyo Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka Imaaraadku waxay ka wadahadleen sidii labada waddan u sii xoojin lahaayeen xidhiidhka ganacsi iyo isu-socodka labada ummadood ee walaalaha ah iyo weliba qodobo kale oo muhiim ah.
Dhinaca kale, weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo isku dhan waxay galinka dambe ee maanta la kulmi doonaan Sheikh Mahamed bin Rashid Al Maktoum oo ah Ra’iisal-wasaaraha dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta, ahna Madaxweyne-ku-xigeenka UAE, isla markaana ah maamulaha Imaaradda Dubai, kaasoo ah masuulka fidiyey marti-qaadka weftiga Somaliland ku joogaan Imaaraadka Carabta.
ALLAA MAHAD LEH.

Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post