Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha iyo murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefti ka socda dadka ka shaqeeyey aqoonsigii Golaha Degaanka ee Degmada Tower Hamlets oo ku taal bariga magaalada London u fidiyey madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska Guddoomiyaha KULMIYE ee magaalada Hargeysa shalay, kaas oo ay wehelinayeen masuuliyiin iyo xildhibaanno ka tirsan xisbiga, halka dhanka weftiga oo ka koobnaa afar xubnood ay hoggaaminaysay xildhibaannada reer Somaliland oo ka tirsan Golaha Degaanka Tower Hamlets marwo Aamina Cali, waxa ujeeddadiisu ahayd is-xogwaryasi ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ictiraaf-raadinta ee kooxdani wado iyo waxyaabaha ay ku arkeen Somaliland oo muddo ay joogeen socdaallo ku mareen gobollada.
Afhayeenka KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaadhaafi) oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa ka warramay nuxurka waxyaabaha lagaga wadahadlay.
“Weftigu waxay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE uga warramayeen waxyaabihii ay qabteen, waxa kaloo ay ka warramayeen waxyaabihii intii ay dalka joogeen la kulmeen iyo wixii talo bixin ay hayeen. Sidoo kale, waxa laga wadahadlay wixii dambe ee laga ballamayo waxqabashadooda iyo sidii looga wada hawlgali lahaa,” ayuu yidhi Gaafaadhi.

Guddoomiye Muuse Biixi

Guddoomiye Muuse Biixi