Araweelo News Network

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo ka hadlaya shirkii Caynabo

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo ka hadlaya shirkii Caynabo

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, isla markaana ah murrashaxa jagada madaxwaynenimo ee xisbiga KULMIYE,Muuse Bixii ayaa soo bandhigay qodobo uu sheegay in lagu horumarin karo magaalada Berbera oo uu xusay inay leedahay nimcooyin badan oo Ilaahay (SWT) ku mannaystay.
Guddoomiye Biixi oo khudbad dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey xaflad loo sameeyey dufcaddii afraad ee arday ka qallin-jabiyey Jaamacadda Gollis, qaybteeda Berbera shalay, waxa uu faahfaahin ka bixiyey khayraadka degaanka Berbera hodanka ku yahay, isagoo xusay inay tahay halka dhaqaalaha ugu badan ka soo galo dalka Somaliland.
“Berbera maaha meel dad loo soo raro. Berbera waxay leedahay nimcadda Ilaahay dadka ugu deeqay adduunka intii ugu badnayd, Berbera waxay heshay baddii, xoolihii iyo buurtii oo macdiintii ah, dekedda, madaarka Afrika ugu waynaa iyo dadka ugu ilbaxsanaa Somaliland. Berbera waa in iyada loo guuro oo iska dhaaf Somaliland oo dhan ee waa in caalamku kaga soo guuro cirka, badda iyo berrigaba oo la soo doonto.
Haddaba, maxaa innaga horjooga inay sidaas noqoto? Waa arrin dhibyar oo waa aqoon. Berbera waxay u baahan tahay in looga faa’iideeyo nimcadaa Ilaahay siiyey, maamulka maanta joogaa intooda way dedaaleen oo waddooyinkii way sameeyeen, nidaamkii way hagaajigeen, ganacsatada iyo cidda maalgashi samaynaysay dhul bay ugu deeqeen,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.
Waxa uu intaas ku daray, “Waxa kaloo aynu u baahannahay in laga horumariyo Berbera;
1. dadka ku dhaqan Berbera waa inay noqdaan dad cid waliba ku soo hirato oo aan lagu dhex qaloon oo dadka soo dhaweeya oo nin kastoo ganacsade ah uu hantidiisa ku aamini karo oo uu ka yimaado badda iyo cirkaba oo uu soo dego, taasi waxay ku xidhan tahay garaadka dadka deggan Berbera, waayo qofkii yimaadaaba wuxuu keenayaa aqoon, lacag iyo horumar.
2. Berbera waxay u baahan tahay laydh jaban, maadaama ay kululshahay, taasna waa la heli karaa.
3. Berbera waxay u baahan tahay dadka lacagta leh ee horumarinayaa inay helaan xaaladihii ay ku degi lahaayeen. Tusaale; Maayarkiina wuu joogaaye magaalada Berbera dhan walba 5km sees baa ku xidhan ilaa toban sanno qaarkood sees yihiin, waa in dadkii lahaa hudheello waaweyn, warshado iyo fooqyo ka dhisaan, haddii kale cid kale oo intaas dhisaysa waa in la siiyo yaanay Berbera xannibine.”
Sidoo kale, waxa uu soo jeediyey in la xoojiyo ammaanka dadka dalxiiska u taga badda Berbera oo uu xusay inay kor u qaadayso booqashadeeda iyo xiisaha loo qabo tagisteeda, isagoo is gaar ugu baaqay dhallinyarada Berbera inay ka hawlgaan sidii badda loo bari lahaa, loogana ilaalin lahaa dad aan aqoonta u lahayn.
“Xil gaar ah wuxuu saaran yahay dhallinyarada Berbera ee weliba ah wiilasha, badda Berbera, Ceerigaabo ilaa Saylac dadka dega deegaankeeda waxa looga baahan yahay dadka yimaad in dhallinyaradu marka hore inay tusaan inay yihiin dad wanaagsan oo lala dhaqmi karo, laguna soo hirto, mar labaad badda Berbera labaatan bas baa yimaad oo ka kala yimi magaalooyinka Burco, Hargeysa, Boorama, Wajaale ilaa Laascaanood haddii bas walba la sii saaro mayd cid iman mayso ee waa laga baqan doonaa ee waa inay jiraan dhallinyaro reer Berbera ah oo heegan ah oo dadka u yimaad bara badda oo ka badbaadiya oo kadibna dadku u soo hiloobo, waayo xilkaasi ma saarna booliska oo keliya, maayarka, badhasaabka iyo hay’adaha dawladda uun,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Muuse Biixi Cabdi.
Waxa kaloo uu bogaadiyey ardayda ka qallin-jabisay Jaamacadda Gollis, , waalidkooda iyo maamulka degmada Berbera oo si wayn loogu ammaanay suurtogalin in ardaydan dhammaystaan waxbarashada jaamacadeed, isagoo ka hadlay sida ay horumarka iyo wax-ka-qabashada baahiyaha dadweynaha wax tarayso tacliinta ardaydu barteen oo kala ah; culuunta caafimaadka, dhaqaalaha iyo ganacsiga.
“Saddexda kulliyadood ee aad ku qallin-jabiseen ta ugu muhiimsan waa caafimaadka, waxaanan ku faraxsanahay inay ku jiraan hablo dhawr ahi, waayo habluhu way kaga wanaagsan yihiin caafimaadka dadka kale. Walaalayaal, waxaad u qallin-jabiseen ummad baahida caafimaadku aad iyo aad ugu badan tahay, gaar ahaan haweenka iyo dhallaanka. Intiinna dhegaysatay dhawr casho ka hor idaacadda BBC-da waxa ka hadlayey dumar deggan tuulo u dhexaysa Ceerigaabo iyo Laascaanood oo ka cabanayey in aanay lahayn MCH dumarku markay foolanayaan iyo ubdka geeyaan. Waxay lahaayeen Ilaahay iyo duco ayuun baannu magansannaa markay gabadha fool qabato oo in ilmuhu gudban yahay iyo inuu caadi yahay mid ma garanayno, markaa waxaannu codsanaynaa bay yidhaahdeen dawladda Somaliland in caafimaadka wax nalaga qabto. Masuuliyaddaasi waxay saaran tahay ummadda Somaliland oo dhan, xukuumad, xisbi, siyaasi, gaar ahaan waxay saaran tahay Wasaaradda Caafimaadka iyo aqoonyahanka caafimaadka oo aad idinku kow ka tihiin, maanta hankiinu ma noqonayo inaad wax u barateen degmada Berbera oo keliya ee waa inaad eegtaan oo xil idinka saaran yahay qof kasta qof kastoo ka tabaalaysan caafimaadka Somaliland oo dhan, Geeska Afrika oo dhan, caalamka oo dhan, waa masuuliyad aad maanta qaadeen ee ogaada.
Qolada baratay dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxaad u qallin-jabiseen dal baahidiisa dhaqaale 60% dhallinyarada ay bilaa camal tahay, waxaad ku soo biirteen masuuliyiinta dadkii idinka horreeyey ee xilkaasi saaran yahay inay xalliyaan oo u da’yartihiin oo u aqoon badan tihiin.”
“Dhaqaalaheenna waad ogaydeen labaatankii ilaa shantii shanno ee u dambeeyey, waxaynu ognahay baahida aynu u qabno biyaha iyo sidee baynu biyo la’aanta uga baxnaa? Waxaad ogtihiin abaarta oo dhawrkii sannaba innagu soo noqnoqota, dadka la rabo inay masuuliyahadaasi wax ka qabtaan oo ah aqoonyahanka Somaliland ayaad ku soo biirteen maanta, aqoonyahanka ayaa laga rabaa inuu sameeyo sahankii iyo cilmi-baadhistii lagaga bixi lahaa abaaraha soo noqnoqda. Markaa xilkaasi ayey idiin soo kordhisay qallinjabintu, idinkoo ka werweraya xaggeed u shaqo tagtaan, waxase ka wayn xilka dalku idinka sugayo iyo masuuliyadda aad gasheen,” ayuu yidhi Guddoomiye Biixi.
Dhinaca kale, maamulka Jaamacadda Gollis ayaa abaalmarin qaali ah ku maamuusay Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo ay sheegeen inay ka turjumayso abaalka uu ku leeyahay dalka ee isugu jira halgankii dib-u-xoraynta, doorkii uu ka soo qaatay nabadayntii, dejintii iyo horumarinta dalka Somaliland.