Araweelo News Network
Berbera(ANN) Guddoomiyaha Xsbiga KULMIYE, isla markaana ah musharaxa Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad aad u qiimo badan oo ku saabsan qaranimada, wadajirka iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ka jeediyey xaflad lagu daahfuray diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Gobolka Saaxil oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Berbera.
Guddoomiye Muuse waxa uu ka hadlay qiimaha iyo muhiimada ay qaranka u leedahay hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha, nabadgalyada iyo dariiqooyinka ilaalinteeda, dawladnimada, wadajirka, horumarka iyo is aaminka shacabka reer Somaliland, xisbiyada siyaasadda iyo arrimo kale.
Ugu horreyn waxa uu hambalyo u diray Guddiga Doorashooyinka Qaranka sida ay u wadaan shaqadooda fulinta diiwaangelinta oo iminka laga bilaabay gobolkii saddexaad, isagoo si gaar ah u tilmaamay ujeeddada qaranku ka leeyahay hirgelinteeda, waxaannu yidhi “Waxaynu nahay qoys keliya oo la yidhaa Somaliland oo mid ah, waxaynu ku midaysanahay diinta Islaamka, dhaqankeenna, in sharcigu sarreeyo oo aannu qofna sharciga ka sarrayn, in dadku sinnaado, haddii aynu sidaa ku wada midaysannahay oo qof walba oo hadlayaa uu leeyahay aynu qabyaaladda iska dayno, xumaanta aynu iska reebno oo haddana aynaan ku dhaqmayn waa dhibaatada ugu wayn.
Nabadgalyadu waxay leedahay tiirar kiisa kowaad yahay in bulshadu is aaminto oo keenna u barriyeeya iyo ka u galbeedeeyaa waa inay marka hore aaminsan yihiin inay dalka wada leeyihiin oo qof waliba halkuu doono degi karo oo ka ganacsan karo, shaqo ka heli karto iyo xorriyad ugu tagi karo, imaqabanayaan taa iyo ergayga ah haddaanu reer hebel nahay, waxa hubaal ah nabadgalyadeenu mar walba waxay khatar ku gashaa arrin dhacday, bani’aadamka iyo khilaafku sidoodaba waa walaalo oo way soconayaan, maalin walba wuu imanayaa qof dhinta, laba is dila iyo qaar isku qaldama, laakiin guushu waxay ku jirtaa sida loo xalliyo, innaguse markay wax dhacaan markaaba waxay qaadanaysaa qaab qabyaaladeed oo markaasaa dalkiiba khalkhal galayaa.”
Guddoomiye Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa raaciyey, “Sidaasi darteed, waxaynu u baahannahay diiwaangelintan, xisbiyada, doorashooyinka iyo dimuqraadiyaddan iyo dhammaan qaybaheenna bulshadu in aynu u midowno oo arrintaa ka saarno qaranka oo ummaddu is aaminto, qaranku nabadgalyada waxaynu u samaysanay dawlad, suldaanku beel buu madaxdhaqameed u yahay, caaqilku jifo ayuu xilka u hayaa, laakiin Madaxweynuhu waxa uu suldaan u yahay dhammaan qaranka oo dhan, sidoo kale, Taliyayaasha iyo hay’adaha ammaanku qaranka oo dhan bay u hayaan xilka, waa nasiib-darro sida mararka qaarkood innagu dhacda in dadka qaarkood ay aaminiwaayaan nabadgalyada Qaranka, dawladnimada iyo ciidammada oo ay iyagu qori la yaacaan markay wax dhacaan.”
Waxa kaloo uu tilmaamay faa’iidooyinka is aaminnaadu keenayso oo fure u noqonaysa gaadhista ictiraaf buuxa oo Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha caalamka, isla markaana horseedi karta horumar iyo badhaadhe, “Haddaynu doonayno dimuqraadiyad waa in aynu aaminnaa dawladnimada, xukuumadda, xisbiyada siyaasiga ah oo xisbiyadu ka itaal-roonaadaan qabiil, haddaynu doonayno ictiraaf oo caalamka aynu leenahay dawlad baanu nahay waa in dawladdu muuqataa oo iyada la aaminsan yahay, taana waxaynu ku helaynaa is aaminaadaa oo xaggay ka imanaysaa? Waxaynu ku heshiinay in shantii sannaba hal mar in aynu beddelno madaxdeenna oo qof kasta oo muwaadin ahi uu ku beddeli karo madaxda markaa joogta, haddii aynu shantii sannaba xisbi ama qof siinayno qandaraas hoggaamineed oo haddana shantii sanno gudahoodii wixii uu qabanayey ee saxda ahaa aynu ka hornimaadno waa dhibaato. Markaa qaranimada waa in lagu aaminaa nabadgalyada oo lagu caawiyaa.
Sidaa awgeed, haddaynu doonayno ictiraaf, horumar iyo in aynu dhallinyaradeenna tahriibta iyo shaqo la’aanta haysata ka saarno waxaynu ku gaadhi karnaa innagoo midowna bari iyo galbeed oo dalkeenna si siman uga tacaamulna oo si siman wax uga wadaqabana oo sharciga u wada hoggaansanna, laakiin kaga biximayno gobol gobol iyo qabiil qabiil, xisbiyada qaranka haddaanay ololahoodu ku salaysnayn inuu nabadgalyada abuuro, inuu dadka is dhexgaliyo oo uu qabyaaladda ka waaniyo oo sharciga u hoggaansamo markaa olole maaha ee waa fidmo, xisbiyadu waa dadka ka saaraan shakiga iyo qabiilka oo is dhexgaliyaa oo kor u qaadaan dadka,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay dhaqdhaqaaqyada xisbiyada qaarkood sida KULMIYE ka wadaan gobollada ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyayaasha oo hore uu uga dacwooday Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, “Ololaha xisbiyada ee uu ka dacwadooday saaxiibkay Faysal islama fahamsanin, anigu waxaan qabaa ololuhu inuu taageerayo diiwaangelinta, inuu taageerayo madaxdhaqameedka oo uu nabadda ka shaqaynayo oo aannu wadno in bulshada la is dhexgaliyo oo la iskaga warramo bari ilaa galbeed oo nabadda iyo midnimada horseed loo noqdo, ololaha aannu wadnaa kaa wixii aan kaa ahayna waa ka xaaraan xisbiyada,” ayuu yidhi.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo isna hadal ka jeediyey xafladda, waxa uu kaftan siyaasadeed ku gannay labada hoggaamiye ee KULMIYE iyo WADDANI oo uu ku tilmaamay layli siyaasadeed, hase ahaatee, waxa arrintaasi ka jawaabay Guddoomiye Muuse Biixi, waxaannu yidhi, “Saddexda xisbi Qaran ee maanta jooga Faysal waa runtiisa ee waa waayo-arag oo uu noogu odaysan yahay, labada goor oo hore ayuu tartan galay oo muu dhicine wuu simbiriraxday In Shaa Allaahu ka dambe ayuu ku guulaysan doonaa, labadaa horena qaranka abaal buu ku leeyahay oo wuxuu ahaa ninkii u horreeyey ee natiijada ictiraafay, markaa waa odaygayagii oo taa waanu ogolnahay.
Ninka labaad waa Cabdiraxmaan Cirro oo ah guddoomiyihii Baarlamanka, waa ninka saddexaad ee baratakoolka Qaranka leh, markaa isagana lagama yaabo waxaan wanaag iyo nabad ahayn in looga fadhiyo.
Ka saddexaad waa aniga oo sodohdii baan ahay xisbal-xaakim, sodohduna waxaan wanaag iyo xishood lahayn ma taliso, markaa xisbiga talada dalka haya haddii laga gardarroodo waa inuu qaataa, hadday kuwa kale is khilaafaana waa inuu dhexdhexaadiyaa, wax alla wixii xumaan ah ee kalena waa inuu saaraa, markaa waxaynu nasiib ku leenahay labada guddoomiye oo mid waliba xilsaaran yahay oo ah xaakimkii iyo Baarlamankii iyo Faysal oo waayo-arag ah baanu nahay, markaa waxay ila tahay sannadkan xisbiyada loo warwarimaayo, waxa yar ee duulduul ah sidii uu Cirro sheegay (khilaafkii soo dhexgalay Faysal iyo Cirro) waanu ka wadahadalnay, shalaynay qalad bay ugu soo baxday warbaahinta, waxaannu ku dadaalaynaa saddex oday oo saaxiibo ah baanu nahay ee dadku waxay ku farxaan mooyee xaggayaga in aanay maqal waxay ka naxaan.”