X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Fariin U Diray Ciidanka Booliska Somaliland

Araweelo News Network

Guddomiyaha KULMIYE Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Isla markaana ah Murrashaxa Xisbigaa ee Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, ayaa hanbalyo u diray ciidanka Booliska Somalikand ee shalay xusay sannad-guuradii 24aad ee kasoo wareegtay maalintii la aasaasay ciidanka Booliska.

 

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska warbaahinta ee Xisbiga Kulmiye, ayaa u qornaa sidan:-

UJEEDDO: HAMBALYO

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca hay’adaha xisbiga ee kala duwan waxa uu ku hambalyeynayaa guud ahaan ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland xuska dabbaaldegga sannad-guurada 24-aad ee ka soo wareegtay aasaaskooda.

Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ciidan bisil oo inta karaankooda ah u guta shaqadooda si wanaagsan, isla markaana si nabad ah shacabka reer Somaliland-na ugu seexdaan sugidda amnigooda.

Md. Muuse Biixi waxa uu ku ammaanay ciidammada Booliska shaqada muhiimka ah ee ay qaranka ku hayaan, waxaannu ku dhiirrigeliyey inay sii libinlaabaan foojignaantooda iyo sugidda amniga waddanka marxaladda lagu jiro ee doorashooyinka, , isagoo shacabka Somaliland oo uu ku bogaadiyey siday gacanta u siiyaan ciidammada amniga ka codsaday inay sii xoojiyaan la shaqaynta Booliska.

Ugu dambayntii, Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu Taliyaha, saraakiisha, saraakiil ku-xigeenka iyo dablayda ciidanka booliska iyaga iyo qoysaskooda uu Alle uga baryayaa inay sannadka, sannadkiisa ku gaadhaan guul, horumar iyo barwaaqo.

ALLAA MAHAD LEH.

Cali Jaamac Maxamed
_________________________________
Madaxa Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post