X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Bixii Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Xisbiga Ragga Tartanku Ka Dhexeeyo Iyo Go’aankiisa Shirka Gollaha Dhexe

 

Guddoomiye Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad kooban jeediyey, madal taageero loogu muujinayay murashaxnimadiisa, ayaa uga mahad celiyay bulshada deegaanka Koonfurta Hargeysa ee Salaxley  taageerada ay u caddeeyeen, wuxuuna ku tilmaamay inay isaga u tahay faan uu dheer yahay murrashaxiinta la tartamaysa.

Guddoomiye Muuse Biixi, waxa kale oo uu ka hadlay mawqifkiisa loolanka KULMIYE,  murashixiinta la tartamaya iyo mustaqbalka fog ee Xisbiga KULMIYE,  “Inta iminka tartanka KULMIYE ku jirtaa waa isku deegaan, laakiinse nasiib wanaag waxaan dheerahay Abti,” ayuu yidhi.

Muuse Biixi oo ka hadlaya Siyaasadda xisbiga KULMIYE ee mustaqbalka iyo qorsheyaashiisa ku lammaan hanka Madaxweynenimo ee uu ku hamiyayo inuu ku hoggaamiyo Somaliland, wuxuu yidhi, “Anigu xisbiga Guddoomiyihiisii baan ahay, Odaygiisii baan ahay, raadkii Odaygaygii horaa la raacayaa, xisbigana in laga ilaaliyo wixii duul-duul ah, haddii la tartamayana si hufan loo tartamo oo wax walba laga horumariyo danta xisbinimada. KULMIYE wuxuu ka joogaa halgan hore, mustaqbal fog buu leeyahay.” Ayuu yidhi.

 

“Waa inaynu ka fikirno in KULMIYE noqdo sida xisbiyada qaar mid boqolaal sanno jira oo jiilba jiil ka dhaxlo. Maaha Kulmiye Kursigaan ku gaadhayaa oo kursigaan usoo doonanayaa ma noqonayso, KULMIYE,  wuxuu ka joogaa halgan hore, mustaqbal dheer buu leeyahay, KULMIYE way ka reebban tahay nin doonaya inuu kursiga ku fuulo ama ugu soo dhuunto kursi ku fuul.”

Guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Biixi waxa uu ballanqaaday inuu aqbalayo natiijada golaha dhexe ee xisbigu ugu taliyo isagoo yidhi, “Haddii Golaha Dhexe i doorto iyo hadduu i yidhaahdo sannadka iska joog iyo hadduu i yidhaahdo iska sii fadhi iyo hadduu i yidhaahdo waligaaba iska joog waxa mar walba igu waajib ah inaan sharciga xisbiga u hoggaansamo, inaan xisbiga isku hayo, inaan mustaqbalka xisbiga eego, taas baa aniga iga go’an.” Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post