X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Oo Jawaab Kulul U Diray Maamul Goboleedka Puntland Ee Somalia

Hargeysa (ANN) Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab ka bixiyey eedaymo maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland u jeediyey dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Maamulka Puntland, ayaa sheegay in Somaliland tahay goobaha laga abaabulo falalka argagixiso ee ka dhaca gudaha magaalooyinka Puntland, kadib markii koox dagaalyahannada Al-shabaab ka tirsan weerar ku qaadeen xarumo boolis oo ku yaal magaalada Boosaaso toddobaadkan.
Hase yeeshee Guddoomiyaha KULMIYE oo hadal ka jeediyey xaflad Hargeysa loogu sameeyey haweenay xubin ka ah Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa eedaymaha maamulka Puntland ku tilmaamay qaar aan waxba ka jirin oo ay ku qarinayaan guuldarradooda sugidda ammaanka magaalooyinka maamulkooda.
“Waa markii labaad ee warar caynkaasi ahi nooga yimaaddaan Putland. Waxaannu u sheegaynaa maamulka Putland haddii adigu aad ku filnaan wayday gudahaaga iyo nabadgalyadaada meel kaaga bannaana in aad nagula soo galgalato, waana aflagaado iyo gar-darro,” ayuu yidhi Guddoomiye Biixi.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post