Araweelo News Network

Kulmiyeiyoxildhibanadaiisa2Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, isla markaana ah mursharaxa jagada Madaxweynaha xisbigaa ugu tartamaya doorashada soo socota Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay maanta xildhibaannada Gobolka Wakiillada ugu jira xisbiga.

Kulanka Guddoomiye Muuse Biixi isugu yeedhay Xildhibaannada aqalka Wakiiladda kaga jira Xisbiga oo ahaa mid casuumad qado ah, ayaa ka dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa , waxaana ujeeddadiisu lagu sheegay is-xogwaraysi la xidhiidha xaaladaha kala duwan ee dalka. sida lagu sheegay qoraal kulankaa kaddib warbaahinta loo kala diaray.

“Guddoomiye Muuse Biixi iyo masuuliyiin xisbiga ah oo wehelinayey iyo mudanayaasha KULMIYE ee Wakiillada waxay iska warraysteen arrimaha kala duwan oo ku wajahan dhinacyada xaaladaha nololeed iyo siyaasadda dalka.” ayaa lagu yidhi qoraalka.

sidoo kale waxa lagaga hadlay kulankaa, isla markaana lagu soo qaaday Qodobo la xidhiidha xaaladda abaarta daran ee ka taagan dalka iyo dadaallada gurmadka dadka la gaadhsiinayo oo la istusay in la sii dardargeliyo, waxayna guddoomiyaha KULMIYE iyo Xildhibaanada ka qaybaglay kulanku iska waraysteen diiwaangelinta codbixiyayaasha ka socota gobolkii saddexaad oo ah Saaxil iyo degmooyinka Gabiley iyo Balli-gubadle, iyadoo xildhibaannada lagu dardaaray inay ka qaybqaataan wacyigelinta iyo dhiirrigelinta dadweynaha ee is-diiwaangelinta.

Arrimaha kale hoggaanka KULMIYE iyo xildhibaannada ugu jira Wakiilladu wax iska waydiiyeen ayaa lagu sheegay hawlaha doorashooyinka madaxtinimada iyo Baarlamaanka ee soo socda iyo sida loogu baahan yahay in xisbigu si wayn ugu diyaargaroobo.

Hase yeeshe hoggaanka KULMIYE iyo mudanayaasha u matala aqalka Wakiillada Somaliland waxay isla qaateen inay isugu yimaadaan kulamo kale oo qayb ka ah wadatashiyada xisbiga. ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xafiiska Warbaahinta ee KULMIYE.

Dhinaca kale Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa kulan la yeeshay madaxda hay’adda caalamiga ah ee SAFERWORLD oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, taas oo ka shaqaysa xoojinta nabadda, ka hortagista khilaafaadka iyo ka shaqaynta arrimaha dimuqraadiyadda.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo kulanka saraakiil ka socday Hay’adda ay ku wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Maxamed Kaahin Axmed, Afhayeenka xisbiga Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaadhaafi) iyo masuuliyiin kale.
sida lagu sheegay qoraal kooban pp kasoo baxay kulanka kaddib xafiiska warbaahinta KULMIYE, waxay Hoggaanka Xisbigu ku qaabileen maanta xarunta xisbiga ku qaabilay weftiga ka socda hay’adda SAFERWORLD oo ka koobnaa Afar xubnood oo uu hoggaaminayey madaxa xafiiska hay’adda ee Somaliland Mr. Cabdijaliil Daahir, waxaanay ka wadahadleen wadashaqayn cusub oo dhexmari doonta xisbiga iyo ururkan caalamiga ah.

Labada dhinaca sida lagu sheegay qoraalkaa waxay ku falanqeeyeen kulanka horumarinta dimuqraadiyadda Somaliland iyo arrimaha labada dhinac ka wada shaqayn karaan, waxaanna saraakiisha SAFERWORLD, dhinacooda xuseen inay danaynayaan in xisbiga ay kala shaqeeyaan tababarro la siiyo muraaqibiinta ka hawlgali doona doorashooyinka kala duwan ee qorshaysan inay dalka ka qabsoomaan horraanta sannadka 2017. Waxa kaloo ay sheegeen inay kala shaqaynayaan KULMIYE sidii loo dhisi lahaa, isla markaana loo awoodayn lahaa hay’addaha Xisbiga, iyadoo xisbiga KULMIYE, soo dhaweeyeen qorshaha hay’adda SAFERWORLD, oo ay sheegeen inay diyaar u yihiin la shaqaynta cid kastoo danaynaysa horumarinta nidaamka dimuqradiyadaynta Somaliland.

Saraakiisha SAFERWORLD ee la kulmay Xisbiga KULMIYE, waxa xubno ka ahaa; Oliver Chevraen oo ah maamulaha mashaariicda, Marjorie Walla oo ah khabiir sare oo la-taliye dhinaca mashaariicda ah iyo Cabdi Cali oo ah la-taliyaha mashruuca.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347