X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Safar ugu Baxay Addis Ababa, Itoobiya

Araweelo News Network

Muuse Biixi

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa safar ugu baxay dalka Itoobiya.

Weftiga Guddoomiye Biixi oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta xukuumaddii UDUB Md. Axmed Xaaji Daahir oo hadda ka tirsan xisbul-xaakimka KULMIYE, kuwaas oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay martiqaad rasmi ah ka heleen dawladda iyo xisbiga talada Itoobiya haya ee EPRDF.
Guddoomiyaha KULMIYE iyo masuuliyiinta wehelinaya oo lagu wado inay Addis Ababa kaga biiraan wasiirro kale ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire oo hadda ku sugan dalka Jabuuti, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xubno kale, ayaa la filayaa inay kulamo muhiim ah la yeeshaan masuuliyiinta sare ee dalkaas.
Safarka weftiga Somaliland oo qaadan doona muddo ilaa saddex maalmood ah waxa la filayaa inay la kulmaan Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Md. Hailemaraim Desalegn iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladdiisa iyo xisbigeeda EPRDF, kuwaas oo la sheegay inay ka wadahadli doonaan arrimo ku saabsan danaha labada dal wadaagaan.
Socdaalkan Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo raxanta wasiirrada ah ku tageen caasimadda Addis Ababa, ayaa noqonaya mid sii xoojiya xidhiidhka iskaashiga iyo cilaaqaad ee u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post