X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhoweeyay Magaalada Jigjiga

Araweelo News Network

Jigjiga (ANN)- Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii u dambeeyey socdaal shaqo u joogay caasimadda Addis Ababa, ayaa soo gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta Degaanka Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya.
Guddoomiye Biixi oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Md. Axmed Xaaji Daahir oo ka tirsan golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa ku tagay Jigjiga marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen Madaxweynaha Degaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Md. Cabdi Maxamed Cumar.
Weftiga Guddoomiyaha oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga duhurkii maanta, waxa ku qaabilay gegida diyaaradaha madax ka tirsan Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ay ka mid yihiin; Afhayeenka Baarlamanka dawlad-degaanka Soomaalida Md. Maxmed Rashiid Isaaq, Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna madaxa Beeraha Marwo Sucaad Axmed Faarax, Ku-xigeenka Xafiiska Maamulka dawlad-degaanka Md. Deeq Cabdillaahi Buraale iyo Wasiirka Ganacsiga Md. Khadar Cabdi Ismaaciil.
Guddoomiyaha KULMIYE iyo xubnaha weftiga wehelinaya, ayaa lagu wadaa inay ku sugnaan doonaan magaalada Jigjiga maalmaha soo socda, isla markaana kulamo dhexmari doonaan Madaxweynaha dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya.
Weftiga Guddoomiye Muuse Biixi oo ay hore xubno uga ahaayeen wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland waxay hore magaalada Addis Ababa kulamo ugula soo yeesheen masuuliyiinta Itoobiya oo uu ka mid yahay Ra’iisal-wasaare Hailemariam Desalegn, kuwaas oo ay ka wadahad

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post