X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Wasiiradda Arrimaha Dibbada Iyo Madaxtooyadda Oo La Kulmay Dublamaasiyiin Ku Sugan Nairobi

Araweelo News Network

Nairobi(ANN)Wefti ka socda dawladda Somaliland iyo xisbal-xaakimka KULMIYE oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo safar hawlo shaqo ah ku maraya dalal ay ka mid yihiin kuwa gobolka, ayaa kulamo la yeeshay safiirro iyo dublamaasiyiin ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Weftiga Somaliland waxay kulan ballaadhan xarunta Safaaradda Denmark ee magaalada Nairobi kula yeesheen qaar ka mid ah safiirrada waddamada Midowga Yurub ee ka caawiya Somaliland dhinacyada horumarinta iyo doorashooyinka ee fadhigoodu yahay dalka Kenya, kuwaas oo ay ka mid yihiin; safiirka Denmark Amb. Mette Knudsen, safiirka dalka Finland Amb. Tarja Fernandez iyo ku-xigeenka safiirka safaaradda Holland ee Nairobi iyo weliba Madaxda hay’adda mucaawada dibadda u qaabilsan dalka UK ee DFID, ahna guddoomiyaha guddiga beesha caalamka ee arrimaha dimuqraadiyadda kala shaqeeya Somaliland Mr. Angus Miller. Guddoomiyaha KULMIYE iyo wasiirrada Somaliland waxay safiirrada ay la kulmeen wadahadal iyo xog-warran ka wadayeesheen guud ahaan xaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaana hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee ka socota dalka, u diyaargarowga doorashooyinka, abaaraha iyo taakulaynta dadka ku waxyeeloobay, shaqo la’aanta dhallinyarada iyo sidii loo heli lahaa fursado shaqo oo wax lagaga qabto tahriibta iyo arrimo kale. Qodobadaasi lagu lafaguray kulanka waxa dhammaantood laga gaadhay is-faham, iyadoo weftiga Somaliland iyo safiirraduba isla qaatay in dhinac waliba dardargeliyo wixii ka khuseeya arrimaha laga wadahadlay. Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxay hore shirar ugu soo yeesheen magaalada Addid Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo sidoo kalena Wasiirrada Khaarajiga iyo Madaxtooyada – Dr. Sacad Cali Shire iyo Maxamuud Xaashi Cabdi ka soo laabteen waddanka Turkiga maalmo ka hor oo ay hawlo shaqo u tageen, waxaanna la filayaa in kulamo kale oo dheeraad ah ay dublamaasiyiin iyo masuuliyiin kale ku dhexmaraan magaalada Nairobi. ALLAA MAHAD LEH.       Xassan Maxamed Cali (Gaafaadhi) _________________________________ Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE Email: kulmiyemanager@gmail.com  Telephone: +25263 4026659, +25263 4426677, Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post