X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Komishanka Doorasooyinka Ee Gobolka Sanaag Iyo Xubnihii Là Socday Ee Afduubka Loogu Haystay Bariga Sanaag Oo Là Siidaayay

 

Badhan(ANN)Guddoomiyaha  Gudida Doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi iyo xubno là socday oo ay ka mid yihiin Xildhibaano golaha deegaanka Ceergaao, hawlwadeeno komishanka ka tirsan iyo Guddoomiyaha Hay’adda Taakulo Cumar Jaamaca Faarax, ayaa xoriyadoodii loo celiyay maanta. Kadib markii shalay dablay u dhashay deegaankaa oo ka amar qaata maamulka Puntland ka afduubeeen deegaankaa.

 

Guddoomiyaha Hay’adda TAAKULO,ayaa  u sheegay Idaacada Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da in xortiyadoodii loo celiyay oo ay sii daayeen dablaydii afduubtay shalay, isla markaana ay hawshoodii sii wadanayaan oo ay weli ku sugan yihiin deegaanka.

Kooxda là afduubay, àyaa deegaanka u tegey sidii dadka deegaanka loogu bilaabi lahaa qaadashada Kaadhadhka diiwaangelinta medeniga ah, si loogu diyaar garoobo doorsshooyinka Somaliland màrka là gaadho 3 April 2017.

 

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post