X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Oo Ugu Baaqay Jaalliyadaha Somaliland inay Ka Qabtaan Xuska 26 June Dhammaan Wadamada ay joogaan

Araweelo News Network

Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar)

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) oo saaka Khamiis 21-kii June xilli uu safar shaqo ugu baxayay Jaalliyadaha Australia iyo Malaysia, ayaa Shir Jaraaid ku qabtay Xafiiskiisa  ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta qurbajoogga Jaalliyadaha Somaliland ee ku baahsan wadamada caalamka inay qabtaan munaasibadaha xuska sannad-guurada 58aad ee madaxbanaanida Somaliland.
Guddoomiyuhu isagoo ugu horrayn u hambalyeeyay jaalliyadaha xuskii 18 May, wuxu tilmaamay inay labada taariikhood ee 18 May iyo 26 June taariikho macno weyn leh ugu fadhiyaan Somaliland, isla markaana ay si gaar ah ahmiyad ugu leeyihiin dalka inay Jaalliyaduhu ku qabtaan wadamada ay joogaan. Waxa uu sheegay inay jiraan dhalinyaro iyo carruur badan oo qurbaha ku dhashay kuwaasoo loo baahanyahay inay bartaan taariikhda wadankooda si aan loo lumin xidhiidhkooda dalka iyo qaranka ay u dhasheen, iyo inay yihiin fursado Jaalliyadaha Somaliland si midaysan uga faaiidaysanayaan inaan gaadhsiinno farriinteenna bulshada caalamka iyo xaqiiqada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.” Waxana ka mid ahaa hadalka Guddoomiyaha ee Shirka Jaraaid.
“Waxa aan uga faaiidaysanayaa fursaddan inaan ugu baaqo dhammaan Jaalliyadaha Somaliland ee wadamada caalamka inay si la mid ah xuskii 18 May u debbaal degaan oo qabtaan munaasibadaha xuska 26 June 2018 iyadoo aan bogaadinayo gudiyada iyo jaalliyadaha iyagu mar horeba bilaabay qabanqaabada ee nooga soo warbixiyay. Halku dhegga sannadkan ee 26 June sida ay Wasaaraddu shaacisay waa “Unity, Recognition and Role of Diaspora” waxa aan xoojinaynaa midnimada iyo wadajirkeenna gaar ahaan qurbajoogga iyo doorka uu qurbajooggu ka ciyaarayo dadaalka ictiraaf raadinta JSL.”
“Labada taariikhood ee 18 May iyo 26 June waa laba taariikhood oo waaweyn oo dadka iyo dalka reer Somaliland leeyihiin kuwaasoo sheegaya markii ay Maxmiyadii Ingiriiska ee “British Protectorate Somaliland” ka qaadatay xorriyadeeda Boqortooyadii Ingiriiska sidaana ku noqotay dal xor ah oo madaxbannaan 26 June 1960, iyo markii dadka reer Somaliland ku dhawaaqeen inay dib ugala soo noqdeen madaxbanaanidooda dalka Somalia kadib midnimadii fashilantay ee labada dawladood wada galeen 1st July 1960. Sidaa darteed, waa laba xus qarameed oo xil iyo waajib ka saaranyahay umadda Somaliland in la ilaaliyo, lagu dhaqmo, la xuso oo la xasuusto.”

Waxa soo saartay War-saxaafadeedkan Hay’adda Qurbajoogga Somaliland
Wasaaradda Arrimaha & Iskaashiga Caalamiga ah JSL
Hargeisa, Jamhuuriyadda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post