X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Oo La Kulmay Jaalliyadda Somaliland Ee Dalka Talyaaniga

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) oo la kulmay Jaaliyadda Somaliland ee Talyaaniga 10 Dec 2018.


Roma(ANN)-Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) oo safar shaqo ku jooga dalka Talyaaniga ayaa kulan kula yeeshay gudida iyo xubnaha Jaalliyadda Somaliland ee magaalada Roma ee xarunta dalkaas Talyaaniga.



Guddoomiyaha Qurbajoogga Somaliland oo ugu horrayn uga mahad celiyay Jaalliyadda soo dhawaynta ay u fidiyeen iyo sida ay u abaabulan yihiin inkastoo aan muddo dheer weftiyo ka socda dalku aanay booqan; ayaa khudbada u jeediyay uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka oo ku tilmaamay inay halkii ugu wanaagsanayd marayso Somaliland xagga nabadgelyada, dhaqaalaha iyo siyaasaddaba, sidoo kalena uga warramay waajibaadka shaqo ee Hay’adda Qurbajoogga Somaliland iyo doorka qurbajoogga ee dhinacyada horumar ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Guddoomiyaha ayaa khdubadiisa ku dheeraaday ahmiyadda ay isku duubnida, wadajirka iyo midnimada jaalliyaduhu u yeellyihiin dalka iyo iyo ka wada shaqaynta danaha caamka ah ee qaranka JSL, wuxuu ugu baaqay guud ahaan Jaalliyadaha Somaliland ee wadamada caalamka inay ilaaliyaan wadajirkooda, isla markaana ay xoojiyaan kaalintooda waxqabad ee horumarinta qaranka, maalgashiga, shaqo abuurka, iyo dadaalka ictiraaf raadinta qadiyadda qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Jaalliadaha Somaliland ee Talyaaniga ayaa si diirran usoo dhaweeyay Guddoomiyaha oo xubno ka mid ah gudida iyo jaalliyaddu kaga hortageen Gagada Dayuuradaha ee Magaalada Rome isagoo ka soo dhoofay dalka Ingiiriska oo uu kaga qaybgalay Shirkii Qurbajoogga ee Europe ee dhawaan lagu qabtay London.

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ayaa ku dardaaray qurbajoogga jaalliyadaha Somaliland inay ka fogaadaan waxkasta oo dhaawacaya wadajirkooda, kala fogaansho ku keenaya bulshada oo qabyaaladdu ugu horrayso, isagoo soo qaatay Maansadii Abwaan Ibraahim Gadhle (AHN) “Maskaxdaadu yay noqon maqal lagula leeyahay, yaan boqol muftaaxiyo lagu furin masaabiir,” oo dulucdeedu ahayd in laga fogaado majare habawga.

Dhinaca kale, waxa iyaguna madashada shirkaas ka hadlay xubno ka mid ah gudida iyo xubnaha kale ee Jaalliyadda oo uu ugu horreeyay Guddoomiyaha Jaalliyadda Mudane Saleebaan Khadar Birre kuwaasoo dhammaantood uga mahad celiyay Guddoomiyaha iyo guud ahaan Wasaaradda Arrimaha Debadda booqashada rasmiga ah ay ugu yimaadaan si loo ogaado xaaladooda, loona xoojiyo xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga. Sidoo kale, xubno ka mid ah jaalliyadda ayaa su’aalo ka waydiiyay Guddoomiyaha qodobo kala duwan oo dalka iyo dawladda ku saabsan kuwaasoo uu uga jaawaby Guddoomiyuhu.

Booqashadan Guddoomiye Dayaxweerar ee Jaalliyadda Talyaaniya ayaa qayb ka ahayd safarro shaqo ku aadan xoojinta xidhiidhka jaalliyadha oo Guddoomiyuhu ugu baxay dalal ka mid ah Europe.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post