X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Jamhuuriyadda Somaliland Oo Hanbalyo U Diray Jaalliyadaha

Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) Photo File Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Jamhuuriyadda Somaliland oo ku hadlaya magaciisa iyo dhammaan ka shaqaalaha Hay’adda Qurbajoogga waxa uu munaasibadda Ciidda Islaamka Ciidal Adxa Hambalyo u dirayaa dhammaan jaalliyadaha Somaliland ee ku baahsan wadamada caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) , wuxuu dhanbaal ku waajahan qurbajooga Somaliland ku yidhim sidan:-

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan shaqaalaha Xafiiska Hay’adda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, waxa aan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan bulshada Somaliland iyo umadda islaamkaba, goleyaasha sharafta leh iyo Ciidamada Qaranka JSL. Si gaar ah, waxa aan hambalyo gaadhsiinayaa farxadda Munaasibadda Ciidda Islaamka ee Ciidal-Udxa  awgeed dhammaan muwaadiniinta Qurbajoogga Somaliland ee jaalliyadaha ee ku baahsan wadamada qaaradaha adduunka oo dhan, gudiyada kala duwan ee qurbajoogga, mutadawaciinta, iyo dhammaan Wakiillada Somaliland ku metelaya wadamada caalamka, qoysaskooda iyo shaqaalahoodaba. Waxa aan Ilaahay innooga baryayaa inuu ciidda ciiddeeda innagu gaadhsiiyo caafimaad qab, horumar, bash iyo barwaaqo, nabadgelyo, ictiraaf buuxa iyo himilooyinka qaranka dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland oo aan gaadhno Insha Allaahu Tacaalaa”

Allaa Mahad Leh

Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar)

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL

Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL

 Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland

10/08/2019

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post