Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Jamhuuriyadda Somaliland oo ku hadlaya magaciisa iyo dhammaan ka shaqaalaha Hay’adda Qurbajoogga waxa uu munaasibadda Ciidda Islaamka Ciidal Adxa Hambalyo u dirayaa dhammaan jaalliyadaha Somaliland ee ku baahsan wadamada caalamka.
Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) , wuxuu dhanbaal ku waajahan qurbajooga Somaliland ku yidhim sidan:-
“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan shaqaalaha Xafiiska Hay’adda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, waxa aan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan bulshada Somaliland iyo umadda islaamkaba, goleyaasha sharafta leh iyo Ciidamada Qaranka JSL. Si gaar ah, waxa aan hambalyo gaadhsiinayaa farxadda Munaasibadda Ciidda Islaamka ee Ciidal-Udxa awgeed dhammaan muwaadiniinta Qurbajoogga Somaliland ee jaalliyadaha ee ku baahsan wadamada qaaradaha adduunka oo dhan, gudiyada kala duwan ee qurbajoogga, mutadawaciinta, iyo dhammaan Wakiillada Somaliland ku metelaya wadamada caalamka, qoysaskooda iyo shaqaalahoodaba. Waxa aan Ilaahay innooga baryayaa inuu ciidda ciiddeeda innagu gaadhsiiyo caafimaad qab, horumar, bash iyo barwaaqo, nabadgelyo, ictiraaf buuxa iyo himilooyinka qaranka dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland oo aan gaadhno Insha Allaahu Tacaalaa”
Allaa Mahad Leh
Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar)
Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL
Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL
Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland
10/08/2019