X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Guurtida Oo Sheegay In Aanay Diyaar Ahayn Shuruucda Lagu Dooranayo Xubnaha Baarlamaanka Somaliland

Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku dhiirigeliyey xildhibaannada golihiisa inay ka shaqeeyaan sidii loo diyaarin lahaa xeerarka lagu soo dooranayo golayaasha guurtida iyo Wakiillada ee muddo-dhaafka noqday.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadal ka jeediyey fadhigii Golaha Guurtida ee ay xildhibaannadu fasaxa ku galeen, waxa uu xusay in loo baahan yahay sidii loo dhammaystiri lahaa shuruucda doorashada Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanka oo u muddaysan inay qabsoonto bisha April ee sannadka 2019, haddii Ilaahay yidhaah.
“Doorashadii Golaha Wakiillada iyo Deegaankuna iyaduna waxba ma foga, waxba ha baciidsanina, way ina haysaa, teena (doorashada Guurtida) iyo taasna (wakiillada) midna xeer uma yaallo, innaguna waynu iska soo noq-noqonaynay uun, iyaguna xeerku ku-meel-gaadh ayuu ahaa, berigii dhaweydna waa kii waxooggaaga is-khilaafka ahi uu ka dhacay, dee ku-dhiirrasho ayey u baahan yihiin, bal ku soo fikira oo fasaxaas (aad gahseen) in aynu calal-aqal xeerashii ku dhiirranno oo wax qeybino, oo wax go’aansanno, oo aan la odhan uun; ‘Waa ku-meel-gaadh.’ Aan ku-meel-gaadh iyo qabyo mar uun aynu ka baxno,” ayuu yidhi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.
Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu ka codsaday xildhibaanada Golaha Guurtida inay iska saamaxaan wixii qardoofooyin ah ee ka dhashay doorashadii Madaxtooyada, maadaama ay qaarkood la kala safteen xisbiyada qaranka.
“Kalfadhigani waxa uu ahaa, kalfadhiggii ku soo haggaagay doorashadii, muddo gaaban oo hawl culus la qabtay ayuu ahaa, waa ku mahadsan yahay Goluhu, had iyo jeer marka doorasho la galanna haaraheeda ayey leedahay, haddii aanay wax kale lahayn, waynu is-xag-xagganaa, horta gidigeen aynu is-wada saamaxno. La wada aqbal mar haddii aynu aqbalnay gidigeen natiijadii doorashada, waa in aynu is wada saamaxnaa wixii inna kala gaadhayna, isa-saamaxaas ayuun baa ta dambe innagu gaadhsiiya,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post