X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Guurtida Oo Ku Wargeliyay Golaha Dhammaadka Muddo-xileedka Madaxweynaha, Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanka

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gudogalaya koradhsiimada xilka Madaxweynaha, Golaha Wakiillada iyo golayaasha degaannada dalka oo muddo-xileedkoodu ku dhow yahay dhammaad.
Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku wargeliyey mudanayaasha golihiisa inay gudo galayaan hawlo culus oo ku saabsan doorashooyinka is-dulfuulay iyo muddo-xileedka golayaasha qaranka toddobaadkan.
Guddoomiye Saleebaan oo hadal ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 62aad ee Golaha Guurtida, waxa uu yidhi; “Waxa ina horyaal muddooyinkii xilka Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilladu waa dhammaad, kii golayaasha degaannaduna waxba kama dambeeyo. Waa sannad isbeddel badan oo xil iyo hawliba way inoo taal, kolay toddobaadkan waanu idin horkeenaynaa oo goluhu xilkiisa ayuu ka gudan doonaa haddii Alle idmo.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guurtida waxa uu farriin u diray dawladda cusub ee laga sameeyey Soomaaliya oo uu u soo jeediyey inay shaqadooda qabsadaan oo aanay ku mashquulin Somaliland.
“Soomaaliya dawlad cusub baa ka dhalatay, way inna saamaynaysaa, xilkooda in ku filan baa haysatee ha ku ekaadeen. Innagu aflagaadayn mayno, dhibaatana u gaysan mayno, iyagana ka aqbali mayno taas oo kale, Ilaahay muwaafaqana ha siiyo waa intaynu dheernahay muwaafaqaduye,” ayuu yidhi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post