X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Guurtida oo ka Hadlay Doorahsada Madaxtooyada Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay doorashada Madaxtooyada ee qorshaysan inay dalka ka qabsoonto dabayaaqada bisha March ee 2017.
Guddoomiye Saleebaan oo khudbad ka jeediyey furitaanka kalgadhiga 61aad ee Golaha Guurtida oo bilaabmay shalay, waxa uu sheegay in loo baahan yahay diyaargarow iyo wacyigelin la siiyo dadweynaha oo uu ka qaybqaato aqalka odayaasha ee uu madaxda u yahay.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa u yidhi, “Waxa innagu soo fool leh doorashadii Madaxweynaha bisha March 2017, diyaargarow iyo wacyigelin bay u baahan tahay, macaa shaqaaqooyinkan dhacay bal in aynu golaheennu mar fadhiga ka kacno oo mar dadka soo marno waa lagama maarmaan, qorshaheeda iyo waqtiga annagu (Shirguddoonka) aannu dib isugu noqonno.”
Waxa kaloo uu ka hadlay xaaladda abaarta ka jirta gobollada bariga ee Somaliland iyo saamaynta ka dhalatay roob la’aanta, waxaannu ku taliyey in Alle laga baryo inuu raxmaadkiisa u shubo dadka iyo xoolaha abaartu ku habsatay.
Sidoo kale, waxa uu soo hadal-qaaday shaqaaqooyinkii ka dhacay deegaannanada Dhergayn-geeyo ee Gobolka Sool oo uu sheegay inay ka war sugayaan dhinacyadii galay xallinteeda iyo Ceel-afwayn ee Gobolka Sanaag oo uu soo soo dhaweeyey tallaabadii xukuumaddu ka qaadatay, isagoo ku baaqay in la dedejiyo wixii qabyo ka ah dhammaynta colaaddaasi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post