X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Guurtida Iyo Ergada Wehelisay Oo Kulan La Yeeshay Guddoomiye Cirro Maxaa Kasoo Baxay

Photo file Araweelonews.com

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) iyo xubno uu hoggaaminaya oo shalay hakiyay mooshinkii muranka dhaliyay ee Golaha Wakiiladda oo la doonayay in xilka lagaga xayuubiyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga mucaardka ee WADDANI.
Ergada dhexdhexaadinta, ayaa kulan albaabada loo xidhay maanta la yeeshay Guddoomiye Cirro, wuxuuna warbaahinta u sheegay in ay kulmeen ergada guurtida, isla markaana aanay jirin wax ay ilaa hadda ka wada hadleen, balse ay isla qaateen in mabda’iyan la dejiyo xaalada oo uu ka aqbalay dhexdhexaadinta.
Guurtida ku hawlan arrinta dhexdhexaadinta ee golaha Wakiiladda, ayaa shalay ka codsaday Mudanayaasha mooshinka waday in ay muddo laba maalmood ah dib ugu dhigaan oo ay ka war sugaan, isla markaana xaalada dejiyaan, taas oo ay ku gacan saydheen, balse ay markii danbe aqbaleen, iyagoo fadhiga danbe u balamay maalinta Salaasada ee fooda inagu haysa.

Xiisada mooshanka waxa ka dhashay Mudaharaadyo sababay dhimashada haweenay iyo afar qof oo kale oo ku dhaawacmay mudaharaadyada oo ka dhacay Burvco iyo Ceergaabo, waxaana shalay xabsiga loo taxaabay shan Xildhibaan oo ka tirsan golaha Wakiilada iyo dhawr suxufi, kuwaas oo saacado ka dib lasoo daayay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post