X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo sheegay in xildhibaannada golihiisu mushaharkooda ka jareen lacag lagu caawiyo dadka Abaaruhu saamaynta ku yeesheen

Araweelo News Network

‘Ilaahayoow Taag ma Hayno oo Waannu kuu Cabanaynaaye noo soo Gurmo oo Abaarta Naga Saar’
Hargeysa (ANN) Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Ilaahay (SWT) ka baryey inuu raxmaadkiisa u shubo dadka iyo duunyada abaaruhu saamaynta xun ku yeesheen ee ku dhaqan degaannada kala duwan ee dalka.
Guddoomiye Saleebaan oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay in xildhibaannada Golaha Guurtida oo tiradoodu dhan tahay 82 xubnood mid walba mushaharkiisa ka jaray laba milyan oo shillinka Somaliland ah (2,000,000 SLSH) bil kasta, soconna doonta muddo bilood.
“Abaar ballaadhan oo dalka oo dhan wada saamaysay ayaa ina heshay. Muddo dheer ayaan jirayoo weli abaar tan kale ah maan arag. Abaartii Siiga-case oo dalka ka dhacday qiyaastii ilaa 1949 amma 1950-kii ayaa jirtay oo sidan oo kale inooma dhibaatayn. Waxa kaloo jiray abaartii Daba-dheer oo iyaduna tan oo kale ma ahayn. Weli inama soo marin abaar tan oo kale gees ilaa gees isaga gudubta dalka. Ilaahay ha innaga soo gaadho. Ilaahayoow taag ma hayno oo waannu kuu cabanaynaaye noo soo gurmo oo abaarta naga saar,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtida.
“Golaha Guurtidu waxa uu iska gooyey saddex bilood oo bil kastaaba tahay 2 milyan oo shillinka Somaliland (oo xildhibaan kastaaba ka jarayo mushaharkiisa), waxaanna laga bilaabayaa bishan lagu jiro, wayna ku mahadsan yihiin.”
Xildhibaannada Golaha Guurtida oo ah 82 xubnood, waxa xildhibaan kastaa ku deeqay laba milyan oo shillinka Somaliland ah oo bil kasta laga jarayo mushaharkiisa, taasoo saddexda bilood noqonaysa 6 milyan (6,000,000SLSH), waxayna wadar ahaan noqonaysaa 492,000.000slsh (afar boqol, sagaashan iyo laba milyan), una dhiganta $65,600 (shan iyo lixdan kun, lix boqol) oo doollar marka lagu sarrifo sicirka halka doollar ka joogo suuqa Hargeysa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post