X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo Oo Ugu Baaqay Xukuumadda Somaliland In La Dhamaystiro Hawsha Nabadaynta Taleex

Taleex(ANN)Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo ee xaruntiisu tahay magaalada Taariikhiga ah ee Taleex Cabdirashiid Maxamuud Xiir, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland in la dhamaystiro arrinta nabadaynta Taleex, taas oo uu sheegay in Xukuumaddu door muhiim ah ka qaadatay sidii loo soo afjari lahaa shaqaaqada u dhaxaysay dadka deegaanka, balse loo baahanyahay in la xoojiyo hawshaa oo ay xukuumaddu kordhiso juhdigii ay gelisay xal u helida arrinta Taleex.

Guddoomiye Cabdirashiid Xiir, wuxuu sidaa ku sheegay warbixin kooban oo uu siiyay shebekada Araweelo News Network, isagoo ku sugan magaalada Caasimada Hargeysa, wuxuu isagoo arrintaa la haldaya yidhi, “Xaalada gobolka Xaysimo waqtigan way degantahay mana jirto wax dhibaato ah, laakiin waxaa weli qabyo ah hawshii nabadaynta ee deegaanka Teleex, iyadoo aanu Xukuumadda iyo Ciidanka Qaranka Somaliland uga mahadcelinayo sidii ay hawshaa nabadaynta loo galay oo aanu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu amaanayno arrintaa, balse waxaan Guddoomiye ahaan ku baaqayaa in la dhamaystiro hawshii nabadaynta oo xukuumaddu xaajiso kaalinta ay ku leedahay si natiijo waarta looga gaadho colaadda dadka deegaanka u dhaxaysay ee caqabada ku noqotay horumarkii gobolka Xaysimo” ayuu yidhi Cabdirashiid Xiir.

Wuxuuna intaa ku daray in maadaama bisha barakaysan ee Ramadaan la gelayo dhamaystirka hawsha nabadaynta looga faa’idaysto, isagoo ugu baaqay shacbiga Gobolka Xaysimo inay bisha bakaraysan isa saamaxaan oo ay midoobaan si hawlaha gobolka loo dhaqaajiyo, iyadoo gamcaha lays haysto Xukuumad iyo shacabba, isla markaana layska ilaabo kala qaybsanaanta iyo waxyaabaha kala qo-qobay bulshada ee cunfiga ah.

Sidaa awgeed wuxuu Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in la xoojiyo doorka ay ku leedahay xalinta dhibaatada Taleex si natiijo looga gaadho arrintaa, “Waxan filayaa inay tahay xiligan bisha barakaysan ee Ramadaan waqtiga ugu haboon ee hawshaa nabadaynta looga faa’idaysan karo”ayuu yidhi Cabdirashiid Xiir.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post